
Liverpool ayaa isha ku haysa in maanta dhinaceeda nasiibku usoo jeedsado oo ay maalinta ugu dambaysa xilli ciyaareedka Premier League ku guuleysato horyaalkaas.
Reds oo hal dhibic ka dambeeya hoggaamiyayaasha Manchester City ayaa qaabilaya kooxda Wolves iyaga oo dhinaca kale qaba rajada ah in Aston Villa ay dhibco ka goyso City.
Wararka Labada Koox
Tababare Jurgen Klopp ayaan dhax dhaawacyo ah oo cusub kooxdiisa ku qabin, Virgil Van Dijk, Mohamed Salah iyo Joe Gomez ayaan wali taam buuxa ahayn balse tijaabo xilli dambe ah la marin doonaa si loo ogaado haddii ay kulanka qayb ka qaadan karaan.
Salah iyo Fabinho ayaan la filayn inay kulankan kusoo bilawdaan iyadoo Klopp doorbidi karo inuusan halis gelinin oo u dhigto Final-ka Champions League.
Si ka duwan waxa lagu wadaa inuu booska daafaca dhexe dib u heli karo Van Dijk haddii uu tijaabada la marinayo ka gudbo xilli Trent Alexander Arnold iyo Andrew Robertson ay boosaska daafaca garbaha kusoo laabanayaan.
Dhinaca Wolves tababare Bruno Lage ayaa waayaya xiddigo dhawr ah kulankan. Romain Saiss, Nelson Semedo iyo Kilman ayaa dhammaantood seegaya kulankan xilli ay qabaan dhaaawacyo kala duwan.
Shaxaha Macquulka Ah
Liverpool (4-3-3): Alisson; Alexander-Arnold, Matip, van Dijk, Robertson; Keita, Henderson, Thiago; Diaz, Jota, Mane
Wolves (3-4-3): Sa; Boly, Coady, Toti; Jonny, Moutinho, Neves, Ait-Nouri; Chiquinho, Jimenez, Neto.
Macluumaadka Ciyaarta
Tartanka: Premier League
Saacada: 18:00 Pm Waqtiga Somalia
Garoonka: Anfield
Garsoore: Anthony Taylor
Be the first to comment