
Manchester United ayaa isha ku haysa inay guul kusoo xidhato wareega Group-yada ee Champions League xilli ciyaareedkan 2021-22 marka ay soo dhawaynayaan dhigooda Young Boys oo ahayd kooxdii kulankii koowaadba guuldarrada lama filaanka ah soo baday.
Red Devils ayaa horeba u xaqiiqsaday inay kaalinta koowaad kaga baxeen Group-ka halka Young Boys ay wali booska saddexaad ku dhammaysan karaan haddii ay caawa guuleystaan isla markaana ay Villarreal ka adkaato Atalanta.
Wararka Labada Koox
Man United ayaa lagu wadaa inay markale ka maqnaan doonaan Raphael Varane, Paul Pogba, Edinson Cavani, Luke Shaw, Anthony Martial iyo Jesse Lingard.
Kahor kulanka Sabtida ee Norwich City, tababare Ralf Rangnick ayaa isbedel baaxad leh ku samayn doona shaxdiisa isaga oo fursad siin doona Dean Henderson, Eric Bailly, Teden Mengi, Donny Van De Beek, Mason Greenwood iyo Anthony Elanga.
Nemanja Matic iyo Aaron Wan-Bissaka ayaa iyaguna kusoo laaban doona shaxda asaasiga ah halka Cristiano Ronaldo uu hoggaamin karo ciyaaryahanada kulanka caawa laga fasaxo.
Dhinaca Young Boys ayay maqnaan doonaan David Von Ballmoos, Cedris Zesiger, Christian Fassnatch, Nsame, Uliness Garcia iyo Felix Mambimbi.
Shaxda Macquulka Ah Ee Labada Kooxood
Manchester United: Henderson; Wan-Bissaka, Mengi, Bailly, Telles; Matic, Van de Beek; Greenwood, Mata, Elanga; Rashford
Young Boys: Faivre; Hefti, Burgy, Lauper, Lefort; Aebischer, Martins, Rieder; Elia, Siebatcheu, Ngamaleu.
Man United Vs Young Boys
Tartanka Champions league-ga
Saacada (23:00 pm Somalia) (21:00 pm Yurub)
Garoonka Old Trafford Stadium.
Be the first to comment