Horudhac: Manchester City Vs Aston Villa ee Horyaalka Premier League-ga, Wararka Labada koox iyo Shaxda Macquulka

Manchester City oo isha ku haysa ku guuleysiga horyaalkeedii afraad shan sano gudaheed ayaa maanta gegida Etihad Stadium kusoo dhawaynaysa dhigeeda Aston Villa kulan xiiso badan oo xilli ciyaareedkii oo dhan go’aaminaya.

Arrinta xiisaha leh ayaa ah in City ay hal dhibic hoggaanka kaga hayso Liverpool isla markaana macalinka horkacaya Aston Villa uu yahay halyeeyga Reds ee Steven Gerrard oo waxkasta u samayn doona sidii uu horyaalka uga dejin lahaa Anfield.

Wararka Labada Koox

Man City ayaa kulankan galaysay iyadoo ay ka maqan yihiin Kyle Walker, John Stones iyo Ruben Dias balse waxay u muuqataa inay soo kabasho deg-deg ah sameeyeen Walker iyo Stones oo ay kulankan kusoo bilaaban karaan.

Pep ayaa sidoo kale khadka dhexe u kala dooran doona Gundogan iyo Bernardo Silva maadaama oo ay hubaal kusoo bilaabanayaan Rodri iyo Kevin De Bruyne.

Dhinaca Aston Villa ayay ka maqnaan doonaan xiddigo dhawr ahi waxaana kamida Ezri Konsa, Kourtey iyo Leon Bailey. Steven Gerrard ayaa sheegay inuu isbedelo ku samayn doono shaxdii uu bar-bardhaca kula galay Burnley Khamiistii.

Xiddigihii hore ee Liverpool ee Philippe Coutinho iyo Danny Ings oo uu Gerrard nasiyay kulankaas Burnley ayaa la filayaa inay kusoo bilawdaan afka hore.

Shaxaha Macquulka Ah Ee Labada Kooxood

Man City (4-3-3): Ederson; Walker, Stones, Laporte, Cancelo; Silva, Rodri, De Bruyne; Sterling, Jesus, Foden

Aston Villa (4-3-1-2): Martinez; Cash, Chambers, Mings, Digne; McGinn, Nakamba, Luiz; Coutinho; Ings, Watkins

Macluumaadka Ciyaarta

Tartanka: Premier League

Garoonka: Etihad Stadium

Saacada: 18:00 Pm Waqtiga Somalia

Garsoore: Michael Oliver

Wararka Ciyaaraha

Be the first to comment

Leave a Reply

Your email address will not be published.


*