Horudhac: Manchester City Vs Newcastle United ee Horyaalka Premier league-ga Wararka Labada koox iyo Shaxda Macquulka

Manchester City ayaa isku dayi doonta inay kasoo kabato qalbi jabkii kasoo gaadhay Champions League oo ay Arbacadii qaab fadeexad ah uga hadheen kulan ay booqdeen kooxda Real Madrid.

City ayaa Etihad Stadium ku qaabilaysa dhigeeda Newcastle United. Kulankan oo ah midkoodii ugu horreeyay tan iyo markii ay Magpies mulkiilayaasha reer Sacuudi iibsadeen ayay Sky Blues ku doonayaan inay hoggaanka saddex dhibcood kaga qabtaan Liverpool oo xalay bar-bardhac la gashay Tottenham.

Wararka Labada Koox

Guardiola ayaa sheegay inuu De Bruyne u bedelay kulankii Real Madrid sabab taatiko ee uu diyaar u yahay ciyaartan balse uu maqnaan doono daafaca midig ee Kyle Walker oo markale ku dhaawacmay kulankii Real.

Sidoo kale daafaca dhexe ee John Stones ayuu wali shaki ku jiraa diyaar ahaanshihiisa kulankan. Zinchenko ayaa la filayaa inuu booska daafaca bidix kaga soo hormari doono Nathan Ake halka Cancelo daafaca midig kasoo muuqanayo.

Pep ayaa nasiimo u diri kara Rodri, Foden iyo Jesus isaga oo bedelkooda kusoo bilaabaya kabtan Fernandinho, Jack Grealish iyo Raheem Sterling.

Dhinaca Newcastle waxa liiska dhaawacyada ku biiray Fabian Schar iyadoo ay horeba uga dhaawacnaayeen Jamal Lewis, Isaac Hayden iyo Ryan Fraser.

Warka farxada weyn u ah Magpies ayaa ah inay usoo laabteen xiddigaha waaweyn ee kala ah daafaca midig ee Kieran Trippier iyo weeraryahan Callum Wilson.

Shaxaha Macquulka Ah

Man City (4-3-3): Ederson; Cancelo, Dias, Laporte, Zinchenko; Silva, Fernandinho, De Bruyne; Mahrez, Sterling, Grealish.

Newcastle United (4-3-3): Dubravka; Krafth, Lascelles, Burn, Targett; Guimaraes, Shelvey, Joelinton; Almiron, Wood, Saint-Maximin

Macluumaadka Kulanka

Tartanka: Premier League

Saacada 18:30 pm Waqtiga Somalia

Garoonka: Etihad Stadium

Garsoore: Stuart Atwell

Wararka Ciyaaraha

Be the first to comment

Leave a Reply

Your email address will not be published.


*