Horudhac: Manchester City Vs Real Madrid ee Champions League-ga, Wararka Labada Koox iyo Shaxda Macquulka

Kooxda ay kaliya in lagu magacaabaa uga hadhsan tahay horyaalka La Liga ee Real Madrid ayaa caawa gegida Etihad Stadium ku booqanaysa dhigeeda hoggaaminaysa Premier League ee Manchester City kulan afar dhammaadka Champions Leagu ah.

Kooxda tababare Pep Guardiola ayaa labadii lugood kaliya hal gool u baahatay si ay uga soo gudubto Atletico Madrid wareegii hore halka Madrid ay qaab cajiib ah laba kulan oo xiiso badan ugu soo reebtay Chelsea.

Wararka Labada Koox

Manchester City ayaa dhibaatooyin dhawr ah qabta kahor kulankan, labada daafac ee Kyle Walker iyo John Stones ayuu labadaba shaki ku jiraa oo la qiimayn doonaa xaaladooda kahor kulankan.

Joao Cancelo ayaa isagu gabi ahaanba dhaawac ku maqan halka Kevin De Bruyne iyo Nathan Ake oo xanuuno kala duwan ku ciyaaray kulankii Sabtidii ee Watford la filayo inay diyaar u yihiin kulanka.

Gabriel Jesus oo afar gool kasoo dhaliyay Watford sidoo kalena ciqaabay Real Madrid markii ugu dambaysay ee ay labada kooxood kulmeen ayaa la filayaa inuu keydka kusoo bilaaban doono iyadoo Mahrez, Foden iyo Sterling ay saddexleyda weerar ee Guardiola noqonayaan.

Dhinaca Real Madrid waxa gabi ahaanba kulankan ka maqnaan doona Eden Hazard, Luka Jovic iyo Mariano Diaz oo dhammaantood dhaawacyo qaba.

David Alaba, Casemiro iyo Ferland Mendy ayaa la safray xiddigaha kale ee Los Blancos balse saddexdoodaba waxa ku gadaaman shaki haddii ay taam buuxa yihiin.

Wararka ka imanaya Spain ayaa sheegaya in Alaba iyo Mendy ay diyaar u noqon karaan kulankan balse ay u badantahay in Casemiro seegi doono.

Valverde ayaa booska Casemiro buuxin kara haddiiba uusan Ancelotti dooran inuu Valverde garab ka dhigo markale oo booskaasi u adeegsado Camavinga taas oo ka dhigan in Rodrygo keydka kusoo bilaaban doono.

Shaxda Macquulka

Man City (4-3-3): Ederson; Walker, Dias, Laporte, Ake; Silva, Rodri, De Bruyne; Mahrez, Foden, Sterling.

Real Madrid (4-3-3): Courtois; Carvajal, Militao, Alaba, Mendy; Modric, Valverde, Kroos; Rodrygo, Benzema, Vinicius

Manchester City Vs Real Madrid

Tartanka Champions League

Saacada 22:00 Pm Waqtiga Somalia

Garoonka Etihad Stadium

Garsoore: Istvan Kovacs (Romania)

Wararka Ciyaaraha

Be the first to comment

Leave a Reply

Your email address will not be published.


*