Manchester City ayaa dooneysa inay afar dhibcood oo nadiif ah ku qabato hogaanka horyaalka Premier League marka ay Etihad Stadium ku soo dhaweyso Watford .
Citizens ayaa tartanka soo geli doonta iyagoo 3-0 kaga badisay Brighton & Hove Albion Arbacada, halka Watford ay guuldaro 2-1 ah kala kulantay Brentford kulankoodii ugu dambeeyay 16-kii April.
Wararka Labada Koox
Ruben Dias ayaa kasoo muuqday kulankiisii ugu horeeyay muddo lix isbuuc ka badan isagoo bedel kusoo galay kulankii Manchester City ay 3-0 kaga badisay Brighton.
Pep Guardiola ayaa laga yaabaa inuu doonayo inuu markale dib ugu soo celiyo halkaan laakiin Nathan Ake iyo John Stones labaduba jug ayaa soo gaaray habeenkii Arbacada waxayna u baahan doonaan qiimeyn.
Dhaawac canqowga ah ayaa laga yaabaa in Kyle Walker uu sii maqnaado kulan kale oo dheeri ah si loo daweeyo.
Jack Grealish iyo Raheem Sterling ayaa ahaa badal aan la isticmaalin kulankii Brighton laakiin kulankan ayaa loo badinayaa in lagu soo bilaabo.
Guardiola ayaa laga yaabaa inuu hal il ku eego kulanka todobaadka soo socda uu la yeelan doono Real Madrid sidaa darteed isbedelo lama filaan ah ayaa laga yaabaa in halkan lagu sameeyo.
dhanka kale Roy Hodgson ayaa u muuqda mid dhaawac kaga maqnaan doona shan ciyaartoy kulankan adag.
Shaxda Macquulka ee labada koox
Manchester City: Ederson; Cancelo, Dias, Laporte, Zinchenko; Gundogan, Fernandinho, De Bruyne; Grealish, Sterling, Jesus
Watford: Foster; Femenia, Kabasele, Samir, Kamara; Sissoko, Louza, Lucka; Dennis, Pedro, Sarr.
Manchester City Vs Watford
Tartanka Premier league-ga
Saacada 17:00 pm
Garoonka Etihad Stadium