Horudhac: Manchester United Vs Arsenal Kulanka Derbiga ee Horyaalka Premier League-ga, Wararka Labada Koox iyo Shaxda Macquulka

Iyadoo Michael Carrick uu qarka u saaran yahay inuu hogaamiyaha Kulankiisa ugu Danbeeyay, Manchester United ayaa isku diyaarineysa inay Old Trafford ku soo dhaweyso kooxda Arsenal kulanka ka tirsan Premier League.

Red Devils ayaa dhibic ka soo qaadatay kulan ay la yeelatay hogaamiyayaasha horyaalka ee Chelsea kulankii ugu dambeeyay, halka Gunners ay 2-0 kaga badisay Newcastle United.

Wararka Labada Koox

Man United Daafaca dhexe ee Man United Harry Maguire ayaa ka soo laabtay ganaax kulankan waxaana la hubaa inuu si toos ah ugu soo laaban doono daafaca, inkastoo uu qaab ciyaareedkiisa xun soo bandhigay xilli ciyaareedkan, iyadoo Eric Bailly uu booska ka bixi karo.

Paul Pogba , Edinson Cavani iyo Raphael Varane ayaa ka mid ah seddexda ciyaaryahan ee ka maqan kooxda martida loo yahay, kuwaasoo weli la dhibaatoonaya taam ahaanshaha Luke Shaw ayaa u maqan sababo la xiriira dhaawac madaxa ah.

Ronaldo ayaanan la qiyaasi karin in mar kale kursiga keydka la geliyo kulankaan muhiimka ah, waxaana laga yaabaa inuu booska Marcus Rashford ka galo XI ee ugu horeysay, taasi waa haddii tababaraha United uu ku adkeysto khadka dhexe ee 4-3-1-2.

Arsenal Gunners-ka, Saka ayaa dhaawac kasoo gaaray gumaarka kulankii Newcastle, Arteta ayaana intaas ku daray in 20-sano jirkaan uu dareemay dhibaato muruqa ah.

Saka weli lagama saarin kulankaan, laakiin Martinelli ayaa lagu soo bilaabi karaa kulankaan, waxaana Arteta uu xaqiijiyay in labada kaliya ee waqtigaan maqan yihiin Sead Kolasinac (canqawga) iyo Granit Xhaka (jilibka) .

Shaxda Macquulka ee Labada Koox

Manchester United: De Gea; Wan-Bissaka, Maguire, Lindelof, Telles; Matic, Fred, McTominay; Fernandes; Sancho, Ronaldo

Arsenal: Ramsdale; Tomiyasu, Cadaan, Gabriel, Tavares; Partey, Lokonga; Martinelli, Odegaard, Smith Rowe; Aubameyang.

Xaqiiqooyinka Labada Koox

Haddii United kulankaan aysan badin waxa ay u noqoneysaa markii 7-aad oo aysan Arsenal kulan horyaalka ah ku garaacin , waxa ayna nooqneysaa markii ugu horeeysay taariikhda .

Haddii Arsenal kulankaan badiyaan waxa ay noqoneysaa markii labaad xariir ah ee ay ku badinayaan Old Trafford markii ugu horeeysay tan iyo sanadkii 1979-kii

Man united ayaa badisay kaliya hal kulan 8 kulan oo horyaalka ah , laba bar bar dhac iyo 5 guul daro ayay wataan.

Hadidi United kulankaan laga badiyo waxa ay noqoneysaa markii 7-aad hal sano gudahiisa garoonkooda lagu garaaco markii ugu horeeysay tan iyo sanadkii 1986-dii

Arsenal ayaa badisay 7 kulan oo qeyb ka ah 10-kii kulan ee hore ee horyaalka , laba bar bar dhac iyo hal guul daro ay watan.

Aubameyang haddii uu shabaqa United soo taabto waxa uu noqonayaa xiddigi ugu horeeyay Arsenal oo sedex jeer xariir ah shabaqa United ku soo booqda Old Trafford.

Manchester United Vs Arsenal

Tartanka Premier league

Saacada (23:15 pm Somalia) (21:15 pm Yurub)

Garoonka Old Trafford Stadium

Ciyaaro.com Riix Halkan Ku Laabo Qeybta Hore

Be the first to comment

Leave a Reply

Your email address will not be published.


*