Horudhac: Manchester United Vs Wolves ee Horyaalka Premier League-ga, Wararka Labada Koox iyo Shaxda Macquulka

Manchester United ayaa dooneysa inay guul xiriir ah ka gaarto Premier League marka ay Old Trafford kusoo dhaweeyaan Wolverhampton Wanderers fiidnimada Caawa.

Red Devils ayaa 3-1 kaga badisay Burnley fiidnimadii Khamiista, halka Wolves dib looga dhigay kulankeeda ugu danbeeyay sababo la xiriira COVID-19.

Wararka Labada Kooxood

Man  United: Kubad sameeyaha Man United Bruno Fernandes ayaa ka soo laabtay ganaax uu ku maqnaa bartamihii Isbuuca, sidaas darteed booska Jadon Sancho ee XI ayaa laga yaabaa inay halis gasho ka dib markii Mason Greenwood uu wacdaro dhigay bartamihii Isbuuca.

Eric Bailly ayaa hoos u dhigay cabsi kasta oo laga qabo dhaawac ka dib guushii ay ka gaareen Burnley laakiin waxaa loo qorsheeyay inuu u duulo Koobka Qaramada Afrika si kastaba, Raphael Varane ama Victor Lindelof ayaa dib ugu soo biiraya daafaca haddii COVID laga waayo.

Paul Pogba iyo weeraryahanka la doonayo Anthony Martial ayaa sidoo kale weli ka sii maqnaan doona Rangnick.

Dhanka Wolves, Pedro Neto iyo Jonny ayaa horumar ka samaynaya ka soo kabashadooda dhaawacyada muddada dheer laakiin waxay ku sii jiraan qolka daaweynta Willy Boly , Hwang Hee-chan iyo Yerson Mosquera .

Rayan Ait-Nuri ayaa sidoo kale la filayaa inuu maqnaado isagoo ka soo kabsanaya xaalad gumaarka ah.

Haddii tababaraha martida ah uu doorto inuu isticmaalo isla qaacida uu kula ciyaaray Chelsea, Joao Moutinho , Ruben Neves iyo Leander Dendoncker ayaa dhamaantood ku soo bilaaban kara dhexda.

Shaxda Macquulka ee Labada Koox

Manchester United: De Gea; Wan-Bissaka, Varane, Maguire, Shaw; Greenwood, McTominay, Matic, Fernandes; Ronaldo, Cavani

Wolverhampton Wanderers: Sa; Kilman, Coady, Saiss; Hoever, Neves, Moutinho, Marcal; Traore, Jimenez, Podence.

Manchester United Vs Wolves

Tartanka Premier league

Saacada Saacada (20:30 pm Somalia) (18:30 pm Yurub)

Garoonka Old Trafford Stadium

Garsoore Mike Dean (England)

 

Wararka Ciyaaraha

Be the first to comment

Leave a Reply

Your email address will not be published.


*