Horudhac: Newcastle United Vs Arsenal ee Horyaalka Premier league-ga, Wararka Labada koox iyo Shaxda Macquulka

Arsenal ayaa booqanaysa dhigeeda Newcastle United kulan xiiso leh oo go’aamin kara xilli ciyaareedkii kooxda ree London oo dhan isla markaana guul ama geeri u ah xiddigaha uu hormoodka u yahay tababare Mikel Arteta.

Arsenal ayaa booska shanaad u dhacday shalay waxaana booska afraad ee Champions League loogu soo baxo kala baxday Tottenham oo guul 1-0 ah ka gaadhay Burnley oo marti u ahayd.

Wararka Labada Koox

Kooxda macalin Eddie Howe ayay xiddigo dhawr ahi ka maqan yihiin, Jonjo Shelvey ayaa maqnaan doona si lamid ah Joe Willock oo aan kooxdiisii hore kahor tagi doonin, Ryan Fraser ayaa soo laaban kara.

Federico Fernandez ayaa isaguna ka maqnaan doona Magpies balse waxa inay kusoo bilawdaan isha ku haya Kieran Trippier, Callum Wilson iyo Fabian Schar.

Arsenal ayaa dhinaceeda kulankan imanaysa iyadoo Rob Holding uu ganaaxa casaankii uu kulankii Tottenham qaatay ku maqnaan doono halka Gabriel Magalhaes uu dhaawac qabo.

Ben White oo soo kabtay ayaa daafaca dhexe kasoo muuqan doona, iyadoo aan wali la hubin haddii Gabriel uu maqnaanayo ayaa haddiiba ay dhacdo ay u badantahay in Takehiro Tomiyasu uu daafaca dhexe ka dheeli doono.

Haddiiba ay sidaasi dhacdo oo uu Tomiyasu doorka daafaca dhexe kasoo muuqdo ayaa la filayaa inuu daafaca bidix ka dheeli doono Tavares.

Shaxaha Macquulka Ah

Newcastle (4-3-3): Dubravka; Krafth, Schar, Burn, Targett; Longstaff, Guimaraes, Joelinton; Almiron, Wilson, Saint-Maximin

Arsenal (4-2-3-1): Ramsdale; Cedric, Tomiyasu, White, Tavares; Elneny, Xhaka; Saka, Odegaard, Smith Rowe; Nketiah

Macluumaadka Ciyaarta

Tartanka: Premier League

Saacada: 22:00 habeenimo Waqtiga Somalia

Garoonka: St James’ Park

Garsoore: Darren England

Wararka Ciyaaraha

Be the first to comment

Leave a Reply

Your email address will not be published.


*