Home Wararka Ciyaaraha Horudhac: Norwich City Vs Chelsea ee Horyaalka Premier League-ga, Wararka Labada Koox...

Horudhac: Norwich City Vs Chelsea ee Horyaalka Premier League-ga, Wararka Labada Koox iyo Shaxda Macquulka

0

Chelsea ayaa isha ku hayn doonta inay halkeeda kasii wado guulihii ay gaadhaysay kulamadii ugu dambeeyay marka ay caawa booqanayso kooxda kaalmaha heerka hoose lagu tago ku jirta ee Norwich City.

Iyadoo Chelsea ay caawa gegida Carrow Road tagayso kaddib saddex guulood oo xidhiidh ah, Norwich ayaa iyadu ciyaartan imanaysa kaddib afar guuldarro oo xidhiidh ah xilli ay shan dhibcood u jiraan kooxda booska 17-aad ee Everton.

Wararka Labada Koox

Tababare Dean Smith ayaa war wanaagsan ka helay xaalada taam ahaansho ee kooxdiisa kahor kulankan waxaana kaliya dhaawac kaga maqnaan doona Andrew Omobamidele iyo Adam Idah.

Warka u wanaagsan Smith ayaa ah inay soo laabteen labada xiddig ee kala ah Lukas Rupp iyo Ozan Kabak, waxa la filayaa in Rupp uu shaxda toos ugu soo laaban doono halka ay u badan tahay in Kabak uu keydka soo fadhiisan doono.

Thomas Tuchel ayaa isagu warar isku dhafan ka helay xaalada dhaawacyada kooxdiisa, warka naxdinta leh ayaa ah in Reece James oo aad muhiim ugu ah isla markaana wacdarro dhigay kaddib markii uu kasoo laabtay dhaawac laba bilood ah uu markale dhaawac gaadhay.

Laakiin waxa jirta fursad wanaagsan oo ay ciyaartan u haystaan xiddigaha dhaawacyada iyo Korona Fayras ku kala maqnaa ee Cesar Azpilicueta, Marcos Alonso iyo Callum Hudson-Odoi.

Shaxda Macquulka Ah Ee Labada Kooxood

Norwich City (4-2-3-1): Krul; Aarons, Hanley, Zimmermann, Williams; Lees-Melou, Rupp; Sargent, Dowell, Rowe; Pukki

Chelsea (3-4-2-1): Mendy; Chalobah, Christensen, Rudiger; Hudson-Odoi, Kovacic, Jorginho, Saul; Mount, Pulisic; Lukaku.

Norwich City Vs Chelsea

Tartanka Premier League-ga

Saacada (22:30 pm Somalia) (20:30 pm Yurub)

Garoonka Carrow Road Stadium

Previous articleBarcelona oo ku dhow inay la soo wareegto Noussair Mazraoui.
Next articleHorudhac: Barcelona Vs Galatasaraay ee UEFA Europe league-ga Wararka Labada Koox iyo Shaxda Macquulka

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here