
kooxda PSG oo ku dhameesatay kaalinta labaad ee Guruubka A ayaa la ciyaareysa Club Brugge kulan ka tirsan Champions league-ga
Les Parisiens ayaa guuldarro 2-1 ah ka soo gaartay Manchester City kulankii ugu danbeeyay, halka dhigooda Belgium ay garaaceen RB Leipzig.
Wararka Labada Koox
Lionel Messi ayaa ka soo kabsaday xanuunka caloosha iyo mindhicirka si uu u ciyaaro kulankii Nice iyo Lens, laakiin xiddiga todobada jeer ku guulaystay Ballon d’Or ayaa laga yaabaa in la nasiyo kulankaan.
Neymar ayaa la filayaa inuu garoomada ka maqnaado ilaa 2022 isagoo qaba dhibaato xun oo canqowga ah, maalmo yar ka dib markii uu kulankiisii ugu horeysay u saftay PSG, Sergio Ramos waxaa soo wajahay daal muruq ah waana maqan yahay kulankan.
Colin Dagba , Presnel Kimpembe iyo Ander Herrera ayaan sidoo kale la hubin halka Julian Draxler uu mar kale seegi doono kulankaan, waxaana ciyaartoyda sida Mbappe, Wijnaldum, Gianluigi Donnarumma iyo Nuno Mendes ay dhamaantood rajeynayaan inay ku soo laabtaan XI-ga ugu horeeya isbuucaan.
Club Brugge Dhanka kooxda martida ah, dhibaatada anqawga ee Ruben Providence ayaa ah welwelka kaliya ee Clement uu haatan hayo, tababaraha Brugge ayaa u dagaalamaya inuu ku dhameesto kaalinta Saddexaad.
Qaar ka mid ah wajiyo caan ah ayuu Clement ku nasiyay guushii Seraing, waxaana ciyaartoyda sida Stanley Nsoki iyo Eduard Sobol ay hiigsan doonaan inay ku soo laabtaan daafaca usbuucan.
Shaxda Macquulka ee Ciyaarta
Paris Saint-Germain: Donnarumma; Hakimi, Marquinhos, Diallo, Mendes; Rafinha, Gueye, Wijnaldum; Di Maria, Icardi, Mbappe
Club Brugge: Mignolet; Mata, Hendry, Nsoki, Sobol; Rits, Balanta, Vanaken; De Ketelaere, Dost, Lang.
Paris Saint-Germain Vs Club Brugge
Tartanka Champions league-ga
Saacada (20:45 pm Somalia) (18:45 pm Yurub)
Garoonka Parc des Princes Stadium.
Be the first to comment