
Paris Saint-Germain ayaa isku dayi doonta in ay sii dheereysato rikoorkeeda guuldaro la’aanta ah ee Ligue 1 ilaa 15 kulan marka ay isbuucaan la ciyaareyso kooxda Rennes.
Kooxda martida loo yahay ayaa ku soo laabanaysa Parc des Princes iyaga oo ka badiyay kooxda difaacanaysa horyaalka laakiin hadda waxa ay ka hor iman doonaan mid kamid ah kooxaha ugu adag horyaalka.
Wararka Labada Koox
Angel Di Maria ayaa lagu qasbay inuu garoonka ka baxo kulankii Axadii ee Lille, inkastoo dhaawaca aan la fileyn inuu noqon doono mid waqti dheer ah, xiddiga reer Argentina diyaar uma ahan kulankan.
Dhawaca Di Maria waxaa kula biiraya Neymar (canqawga), Sergio Ramos (kubka), Mauro Icardi (cagta) iyo Georginio Wijnaldum (canqawga) oo dhaawac ah dhamaantood.
Si kastaba ha ahaatee, Pochettino ayaa helaya Idrissa Gueye iyo Abdou Diallo oo diyaar ah ka dib markii ay ka soo laabteen Koobka Qaramada Afrika.
Senegalese kale ee ka soo laabtay tartanka waa goolhayaha Rennes Alfred Gomis , kaasoo u muuqda inuu ku soo laaban doono booskiisa goosha.
Jeremy Doku , Romain Salin iyo Flavien Tait ayaa shaki laga muujinayaa, halka Jonas Martin uu ciyaari doono inkastoo uu ganaax ku seegay kaararkii huruudda ahaa kulankii ugu dambeeyay ee Troyes.
Shaxda Macquulka ee Labada Koox
Paris Saint-Germain: Donnarumma; Hakimi, Marquinhos, Kimpembe, Mendes; Danilo, Paredes, Verratti; Messi, Mbappe, Simons
Renne: Gomis; Traore, Omari, Aguerd, Meling; Majeer, Martin, Santamaria; Bourgeaud, Laborde, Terrier
Paris Saint-Germain Vs Rennes
Tartanka Ligue 1
Saacada (23:00 pm Somalia) (21:00 pm Yurub)
Garoonka Parc des Princes Stadium.
Be the first to comment