Home Wararka Ciyaaraha Horudhac: Paris Saint-Germain Vs Saint-Etienne ee Horyaalka Ligue 1 Faransiiska, Wararka Labada...

Horudhac: Paris Saint-Germain Vs Saint-Etienne ee Horyaalka Ligue 1 Faransiiska, Wararka Labada Koox iyo Shaxda Macquulka

0
Ad

Paris Saint-Germain ayaa isku dayi doonta in ay si deg deg ah uga soo kabsato guuldaradii lama filaanka ahayd ee ka soo gaartay Nantes marka ay marti galinayaan Saint-Etienne kulan ka tirsan horyaalka Ligue 1.

kooxda Mauricio Pochettino ay 3-1 guul daro ah kala kulantay Les Canaris isbuucii hore, kooxda martida ah waxay ku guuleysatey inay bar-baro la gashay Strasbourg 2-2.

Ad

Wararka Labada Koox

Kubadsameeyaha kooxda PSG Marco Verratti ayaa maqan kulankan sababo la xiriira jaale badan uu qaatay si uu ugu sii daro dhibaatada khadka dhexe ee Pochettino.

Leandro Paredes ayaa wali la dhibtoonaya dhaawac muruqa ah diyaarna uma noqon doono kulankan, halka Sergio Ramos uu dhaawac ku maqan yahay todobaadkii hore dhibaato kubka ah awgeed.

Danilo Pereira ayaa buuxin doona boosk Verratti ee dhexda iyada oo Ander Herrera uu ka soo kabsanayo dhibaato muruqa ah, inkasta oo Julian Draxler uu yahay dookh kale oo Pochettino ah.

Dhanka kale, maamulaha Saint-Etienne Dupraz ayaa rajo ka qaba in Khazri uu u fiicnaan doono kulankaan, iyadoo xiddiga Tunisia uu ka soo horjeedo Strasbourg ka dib markii uu jug ka soo gaaray canqowga.

Joris Gnagnon , Saidou Sow , Enzo Crivelli iyo Yvann Macon ayaa dhamaantood ka maqan kooxda martida ah, laakiin Dupraz ayaa u xaqiijiyay taageerayaasha in khadka dhexe ee Zaydou Youssouf uu fiicnaan doono inkasta oo uu canqowga ka dhaawacanyahay.

Shaxda Macquulka ee Labada Koox

Paris Saint-Germain: Donnarumma; Hakimi, Marquinhos, Kimpembe, Mendes; Pereira, Gueye, Wijnaldum; Messi, Mbappe, Neymar

Saint-Etienne: Bernardoni; Sacko, Mangala, Nade; Thioub, Youssouf, Camara, Kolodzijczak; Boudebouz; Khazri, Bouanga.

Paris Saint-Germain Vs Saint-Etienne

Tartanka Ligue 1

Saacada (23:00 pm Somalia) (21:00 pm Yurub)

Garoonka Parc des Princes Stadium

Previous articleRoberto Firmino oo laga saaray finalka EFL Cup, Diogo Jota oo isna shaki laga qabo.
Next articleHorudhac: Empoli Vs Juventus ee Horyaalka Serie A Italy, Wararka Labada Koox iyo Shaxda Macquulka

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here