Real Madrid iyo Athletic Bilbao ayaa uu midkood caawa ku guuleysan doonaa tartanka Spanish Super Cup oo lagu qabanayo waddanka Sucuudiga, kaddib markii ay soo kala garaaceen Barcelona iyo Atletico Madrid.
Los Blancos waxay semi-finalkii guul 3-2 ah ka gaadhay Barcelona ciyar waqti dheeraad ah lagu daray oo laba jeer laga daba yimid goolal ay la hormareen balse waqti dambe uu Fede Valverde u saxeexay goolka libinta ay ku gaadheen.
Wararka labada Koox
Real Madrid waxay u safartay Sucuudiga iyadoo ay ka maqan yihiin Mariano Diaz iyo Gareth Bale oo dhaawacan, hase yeeshee David Alaba ayaa isaguna kasoo kaban waayey jug ka gaadhay muruqa oo aan ciyaarin kulankii Barcelona, sidoo kalena ka maqan ciyaarta caawa.
Waxa booska Alaba buuxinaya Nacho Fernandez oo bandhig fiican muujiyey kulankii Barcelona ee Arbacadii, mar kale ayaanu ka garab ciyaari doonaa Eder Militao.
Dani Carvajal ayuu ku dhacay Fayraska Korona oo ku jira hotel ku yaala magaalada Riyadh, halka Marco Asensio ay kooxdu shaacisay inuu dhaawacmay oo uu illaa laba todobaad maqnaan doono.
Difaaca midig waxa ka ciyaari doona Lucas Vazquez, halka garabka midigna uu Ancelotti u kala dooran doono Rodrygo Goes iyo Eden Hazard. Waxa kale oo uu Ancelotti ka fikirayaa inuu isbeddel ku sameeyo khadka dhexe oo uu kusoo bilaabo Fede Valverde.
Dhinaca Athletic Bilbao, waxa ka maqan Unai Nunez, Unai Vencedor, Under Capa iyo Asier Villalibre, hase yeeshee waxa usoo nastay oo ay u badan tahay inay kusoo bilowdaan Mikel Vesga, Raul Garcia, Nico Williams iyo Yuri Berchiche.
Tababare Marcelino ayaa Vesga u adeegsan kara booska Oier Zarraga oo khadka dhexe ah, laakiin lama filayo inuu taabto Iker Muniain, Alex Berenguer, Inaki Williams iyo Oihan Sancet.
Shaxaha macquulka ah ee labada kooxood
Real Madrid:Â Courtois; Vazquez, Militao, Nacho, Mendy; Modric, Casemiro, Kroos; Rodrygo, Benzema, Vinicius
Athletic Bilbao:Â Simon; De Marcos, Yeray, Martinez, Balenziaga; Berenguer, Vesga, D Garcia, Muniain; Sancet, I Williams
Real Madrid Vs Athletic Bilbao
Tartanka Spanish Super Cup
Saacada Saacada (21:30 pm Somalia) (19:30 pm Yurub)
Garoonka King Fahd International Stadium