
Barcelona ayaa doonaysa inay kusoo laabato wadada guulaha kulanka ay caawa gegida Reale Arena ku booqanayso dhigeeda Real Sociedad.
Barca ayaa labadii kulan ee ugu dambeeyay kala soo kulantay guuldarrooyin hammigeedii xilli ciyaareedka dhulka dhigay kooxaha Eintracht Frankfurt iyo Cadiz, kooxda ree Germany ayaa Europa League ka reebtay halka Cadiz oo heerka labaad inay u dhacdo ka ordaysaa ay laashay loolankeedii La Liga.
Wararka Labada Koox
Tababare Imanol Alguacil ayaa qaba dhibaatooyin cusub oo dhinaca safka kooxdiisa ah, khadka dhexe ee David Silva ayaa ah xiddigii ugu dambeeyay ee maqan kaddib kaadh casaan ah oo uu qaatay kulankii Real Betis ee toddobaadkii hore.
Dhinaciisa xavi Hernandez ayaa u muuqda mid helaya warar wanaagsan oo xiddigihii ka maqnaa ah, Gerard Pique ayaa kasoo laabtay dhaawac isla markaana la safray xiddigaha kale ee kooxda halka Ronald Araujo uu diyaar yahay kaddib hal kulan oo uu ganaax ku maqnaa.
Taas ayaa ka dhigan in xiddigaha wali Barcelona ka maqani ay kala yihiin Sergi Roberto iyo Ansu Fati oo kaliya oo iyagu dhaawacyo mudo dheer qabay.
Shaxda Macquulka Ah Ee Labada Koox
Real Sociedad (4-3-3): Remiro; Zaldua, Zubeldia, Le Normand, Rico; Merino, Zubimendi, Rafinha; Portu, Sorloth, Isak
Barcelona (4-3-3): ter Stegen; Alves, Pique, Araujo, Alba; Frenkie de Jong, Busquets, Gavi; Dembele, Aubameyang, Torres.
Real Sociedad Vs Barcelona
Tartanka La Liga
Saacada 22:30 pm Waqtiga Somalia
Garoonka Raele Seguros Stadium
Be the first to comment