Horudhac: Real Sociedad Vs Real Madrid ee Horyaalka La-Liga Spain, Wararka Labada Koox iyo Shaxda Macquulka

Real Madrid ayaa doonaysa in ay gaadho sideed guul oo xidhiidh ah tartamada oo dhan marka ay booqasho ku tagto San Sebastian halkaas oo ay kula ciyaari doonto kooxda Real Sociedad .

Los Blancos ayaa haatan hogaanka u haysa horyaalka , iyadoo 7 dhibcood ka sareysa Atletico Madrid oo ku jirta kaalinta labaad, Real Sociedad ayaa ku jirto kaalinta seddexaad ee horyaalka, iyadoo sidoo kale 7 dhibcood u jirta hogaanka horyaalka.

Wararka Labada Koox

Real Sociedad ayaa markale waayi doonta adeega Mikel Merino , David Silva , Alex Sola iyo Nacho Monreal kulankan ay la ciyaari doonaan kooxda caasimada ka dhisan.

Alexander Isak ayaa kursiga keydka la dhigay kulankii Espanyol ee isbuucii hore, lakiin waxa uu ku soo laaban doonaa ciyaartaan, iyadoo ciyaaryahanka heerka caalami ee dalka Sweden laga yaabo inuu la wadaago Mikel Oyarzabal qeybta weerarka.

Maqnaanshaha Merino iyo David Silva ayaa dharbaaxo halis ah ku ah Real Sociedad, dhaawacyadooda ayaa u ogolaanaya Martin Zubimendi iyo Ander Guevara inay sii wataan ka ciyaarista qeybta  dhexe.

Real Madrid, Dani Ceballos iyo Gareth Bale ayaa weli diyaar u aheyn in lasoo xusho, laakiin hogaamiyaasha horyaalka ayaa qaab ciyaareed fiican ku jira marka loo eego kooxdooda koowaad.

Dani Carvajal ayaa la nasiyay kulankii Athletic habeenimadii Arbacada, laakiin waxa uu ku soo laabanayaa kulankan, halka Rodrygo ay u badan tahay inuu ka horeeyo Marco Asensio oo qeyb ka ah seddexda hore.

Ancelotti waxa uu haystaa dookhyo khadka dhexe ah, iyadoo sida Federico Valverde iyo Eduardo Camavinga ay riixayaan inay ku soo bilowdaan, laakiin la yaab ma noqon doonto in mar kale la arko Luka Modric , Toni Kroos iyo Casemiro .

Shaxda Macquulka ee Labada Koox

Real Sociedad: Remiro; Gorosabel, Zubeldia, Le Normand, Rico; Portu, Zubimendi, Guevara, Januzaj; Isak, Oyarzabal

Real Madrid: Courtois; Carvajal, Militao, Alaba, Mendy; Modric, Casemiro, Kroos; Rodrygo, Benzema, Vinicius.

Real Sociedad Vs Real Madrid

Tartanka La Liga Spain

Saacada Saacada (23:00 pm Somalia) (21:00 pm Yurub)

Garoonka Reale Seguros Stadium

Ciyaaro.com Riix Halkan Ku Laabo Qeybta Hore

Be the first to comment

Leave a Reply

Your email address will not be published.


*