Horudhac: Tottenham Vs Arsenal ee Horyaalka Premier League-ga, Wararka Labada Koox iyo Shaxda Macquulka

Tottenham iyo Arsenal ayaa kulan lagu qiimeeyay Derby-goodii ugu muhiimsanaa mudo dheer caawa fooda isku dari doona gegida Tottenham Hotspur Stadium iyaga oo ku dagaalamaya kaalmaha Champions League loogu soo baxo.

Arsenal ayaa haatan faa’idada haysata iyadoo afar dhibcood booska afraad uga haysa Spurs, kooxda macalin Mikel Arteta ayaa guul ay gaadho toos ugu soo bixi doonta Champions League halka xiddigaha Antonio Conte ay doonayaan inay farqiga 1 dhibic kaga dhigaan.

Wararka Labada Koox

Antonio Conte ayaa sheegay inay u badantahay inuusan wax isbedel ah ku samayn doonin shaxdii uu kaga hortagay Liverpool iyadoo ay ka maqnaan doonaan xiddigihii kulankaasba seegay ee Tanganga, Sergio Reguilon, Matt Doherty iyo Oliver Skipp.

Dhinaciisa Mikel Arteta ayaa wadnaha farta ku haya oo ka war sugaya xaaladaha Bukayo Saka iyo Benjamin White oo aad muhiim ugu ah shaxdiisa.

Ben White ayaa sheegay labadii kulan ee ugu dambeeyay ee West Ham iyo Leeds United halka Saka ay jug xilli dambe ahi gaadhay kulankii Leeds.

Cedric Soares ayaa la filayaa inuu markale kasoo hormaro Tavares halka Eddie Nketiah iyo Gabriel Martinelli ay u badantahay inay boosaskooda kasii haysan doonaan Alexandre Lacazette iyo Smith Rowe.

Shaxaha Macquulka Ah Ee Labada Kooxood

Tottenham  (3-4-3):  Lloris; Romero, Dier, Davies; Emerson, Bentancur, Hojbjerg, Sessegnon; Kulusevski, Kane, Son

Arsenal  (4-2-3-1):  Ramdsale; Tomiyasu, Holding, Gabriel, Cedric; Elneny, Xhaka; Saka, Odegaard, Martinelli; Nketiah.

Macluumaadka Kulanka

Tartanka: Premier League

Garoonka: Tottenham Hotspur Stadium

Saacada: 21:45 Pm Waqtiga Somalia

Garsoore: Paul Tierney

Wararka Ciyaaraha

Be the first to comment

Leave a Reply

Your email address will not be published.


*