Home Falanqeynta Kulamada Horudhac: Tottenham Vs Chelsea ee Lugta Labaad Semi-finalka Carabao Cup, Wararka Labada...

Horudhac: Tottenham Vs Chelsea ee Lugta Labaad Semi-finalka Carabao Cup, Wararka Labada Koox iyo Shaxda Macquulka

0
Ad

Iyadoo hal lug oo horeba ay u soo baxday finalka EFL Cup , Chelsea ayaa u safreysa Tottenham Hotspur iyadoo dooneysa inay dhameystirto lugta labaad ee semi-finalka habeenka Arbacada.

Wiilasha Thomas Tuchel ayaa lugtii hore ku badiyay 2-0, waxaana 90 daqiiqo kaliya ay ka harsan tahay inay ciyaarta ugu danbeysa ee Arsenal ama Liverpool la ciyaari doonaan.

Ad

Wararka Labada Kooxood

Spurs waxaa soo gaaray jug weyn ka dib markii Son Heung-min uu soo sheegay xanuun dhanka muruqa ah ka dib guuldaradii 2-0 ee ka dhacday Stamford Bridge, xiddiga heerka caalami ee dalka South Korea ayaana laga yaabaa inuu garoomada ka maqnaado ilaa fasaxa caalamiga ah ee soo aadan.

Cristian Romero ayaa ku sii dhawaanaya soo laabashada laakiin waxa uu mar kale seegi doonaa isaga oo ka garab ciyaari doona Son, halka Steven Bergwijn iyo Eric Dier aanay sidoo kale gacanta ugu jirin Conte.

Conte waxa uu leeyahay go’aan weyn oo uu ku qaadan karo seddexda hore kadib dhaawaca Son, iyadoo Dele Alli iyo Bryan Gil midkoodna uusan wacdaro ka dhigin kulankii Morecambe, sidaa darteed Harry Winks ayaa bedelkeeda ku soo bilaaban kara dhexda mar kale iyadoo Macalinka Talyaanigu uu u wareegayo 3-5-2.

Dhanka kale goolhayaha Chelsea Edouard Mendy ayaa laga helay COVID-19 isagoo gudanaya waajibaadka xulkiisa Senegal ee ka qeyb galaya koobka qaramada Afrika, waxaana la arki doonaa hadii Thiago Silva iyo N’Golo Kante ay ka soo kabsan doonaan viruska waqtiga kulankaan.

Cesar Azpilicueta ayaa laga yaabaa in uu ka baxo casiraad wakhtiga si uu halkan u safto , laakiin Reece James , Ben Chilwell iyo Trevoh Chalobah ayaa dhamaantood seegi doona kulanka lugta labaad.

Kepa Arrizabalaga , Jorginho iyo Kai Havertz ayaa ka mid ah kuwa doonaya inay soo ceshadaan boosashoodii saxda ahaa ee XI ee ugu horeysay.

Shaxda Macquulka ee Labada Koox

Tottenham Hotspur: Lloris; Tanganga, Sanchez, Davies; Emerson, Hojbjerg, Skipp, Winks, Reguilon; Lucas, Kane

Chelsea: Kepa; Azpilicueta, Rudiger, Sarr; Ziyech, Jorginho, Kovacic, Alonso; Buur, Havertz; Lukaku

Tottenham Vs Chelsea

Tartanka Carabao Cup

Saacada Saacada (22:45 pm Somalia) (20:45 pm Yurub)

Garoonka Tottenham Hotspur Stadium

Previous articlePedri iyo Ferran Torres oo loo fasaxay inay ciyaaraan Barcelona Super Cup-ka Spain
Next articleManchester City oo ugu cadcad saxiixa Erling Haaland xagaagan.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here