
Manchester City ayaa isku dayi doonta inay hoggaankeedii saddexda dhibcood ahaa soo ceshato kulanka ay caawa booqanayso kooxda dhibta badan ee Wolves oo ay ugu tagayaan Molineux Stadium.
Sky Blues ayaa hore farqi saddex dhibcood iyo afar gool ah ugu hayay hoggaanka balse haatan ayay kaliya saddex gool hoggaanka kaga hayaan Liverpool oo xalay guul soo laabasho 1-2 ah kasoo gaadhay Aston Villa.
Wararka Labada Kooxood
Tababare Bruno Lage ayaan wax dhaawacyo ah oo cusub kooxdiisa Wolves ku qabin balse waxa wali kasii maqnaanaya Max Kilman, Daniel Podence iyo Nelson Semedo.
Dhinaceeda Manchester City ayaa kulankan waayaysa saddexda daafac ee asaasiga u ahaa ee Kyle Walker, Ruben Dias iyo John Stones taas oo dhibaato dhinaca daafaca ah ku abuuraysa Pep Guardiola.
Arrinta kale ee aadka usii xumaynaysa xaalada Pep ayaa ah in xataa aan la filayn haddii uu taam buuxa noqon doono daafaca kale ee Nathan Ake taas oo sababi karta in Fernandinho doorka daafaca dhexe kusoo bilawdo.
Sterling oo laba gool ka dhaliyay Newcastle toddobaadkan, Mahrez iyo Jesus ayaa lagu wadaa inay weerarka kusoo bilaaban doonaan taas oo ka dhigan inay keydka soo fadhiisan karaan Phil Foden iyo Jack Grealish.
Shaxaha Macquulka Ah
Wolves (3-5-2): Sa; Boly, Coady, Saiss; Jonny, Neves, Moutinho, Dendoncker, Ait-Nouri; Trincao, Jimenez
Man City (4-3-3): Ederson; Cancelo, Fernandinho, Laporte, Zinchenko; Silva, Rodri, De Bruyne; Mahrez, Jesus, Sterling.
Macluumaadka Kulanka
Tartanka: Premier League
Garoonka: Molinex Stadium
Wakhtiga: 10:15 habeenimo xilliga geeska Africa
Garsoore: Martin Atkinson
Be the first to comment