
Kooxda Champions League difaacanaysa ee Chelsea ayaa isha ku haysa inay booska koowaad kaga dhammaysato Group-keeda H iyaga oo caawa marti u ah kooxda Zenit.
Dhinaca kale Zenit oo ah kooxda caawa martida loo yahay ayaa xaqiiqsatay inay ku dhammaysanayso booska saddexaad kaddib bar-bardhac 1-1 ah oo ay lasoo galeen Malmo kulankoodii ugu dambeeyay.
Wararka Labada Koox
Daafaca dhexe ee Zenit ee Dmitri Christyakov ayaa kulankan ganaax ku seegaya kaddib casaan uu ku qaatay ciyaartii Malmo taas ayaana ka dhigan in khadka dhexe ee Wilmar Barrios uu saddexleyda daafaca kula biiri karo Dejan Lovren iyo Yaroslav Rakitskiy.
Chelsea ayay ka maqnaan doonaan Ben Chilwell, N’Golo Kante, Trevoh Chalob iyo waliba khadka dhexe ee Mateo Kovacic oo tababarka kusoo laabtay kaddib dhaawac uu ku maqnaa balse laga helay caabuqa Korona Fayras.
Kai Havertz iyo Marcos Alonso ayay suurogal tahay inaysan kulankan kasoo muuqan kaddib dhaawacyo ay kaga baxeen kulankii West Ham United ee Sabtidii.
Maqnaanshaha Alonso iyo Chilwell ayaa ka dhigan in Saul Niguez booska daafaca bidix kasoo muuqan karo amaba Reece James loo wareejin karo halkaas.
Shaxda Macquulka Ah Ee Labada Kooxood
Zenit St Petersburg: Kerzhakov; Barrios, Lovren, Rakitskyi; Karavaev, Kuzyaev, Wendel, Santos; Malcom, Dzyuba, Claudinho
Chelsea: Mendy; Christensen, Silva, Rudiger; Azpilicueta, Loftus-Cheek, Saul, James; Mount, Ziyech; Lukaku.
Zenit Vs Chelsea
Tartanka Champions league-ga
Saacada (20:45 pm Somalia) (18:45 pm Yurub)
Garoonka Gazprom Arena Stadium.
Be the first to comment