Home Warar Ciyaaraha Maanta Horyaalka Premier League oo ku biiray horyaalada kale ee ugu sareeya...

Horyaalka Premier League oo ku biiray horyaalada kale ee ugu sareeya Yurub

0

Horyaalka Premier League ayaa ku biiray horyaalada kale ee ugu sareeya Yurub si loo hubiyo in suuqa kala iibsiga xagaaga soo socda uu xidhmo ka hor inta uusan bilaaban xilli ciyaareedka.

Madaxda Sare ee Ururka Naadiyada Yurub oo kala matalaya kooxaha ka kala socda England,Spain,Germany,Italy iyo France ayaa waxaa ka go’an in ay ku heshiiyaan maalin kama dambeys ah oo ay kooxaha ka joojinayaan ka ganacsiga ciyaartoyda marka ololaha cusub uu bilowdo.

Qorshaha ayaa ah in suuqa kala iibsiga ciyaartoyda uu xirmo sanadka soo socda August 15 – 24 saac ka hor bilaabashada horyaalka Premier League.

Waxaa la rajeynayaa in cadaadis lagu saaro Yurub inteeda kale si ay ugu daydaan, iyadoo kooxaha shanta horyaal ee ugu sarreeya aysan awoodin inay ciyaartoy cusub qaataan marka xilli ciyaareedkooda la bilaabo.

Qorshaha ah in suuqa kala iibsiga la xidho ka hor bilaabashada xilli ciyaareedka ayaa shaqayn waayay xagaagan kadib cadaadis ka yimid kooxda Barcelona kuwaas oo doonayay wakhti ay ku ururiyaan lacag ay kula saxiixdaan Dani Olmo.

Laakiin ECA hadda waxay leedahay heshiis ballaaran oo lagu mideynayo maalinta kama dambaysta ah ee suuqa kala iibiga kooxaha reer yurub oo dhan.

Agaasimihii hore ee Sunderland Chris Woerts, oo noqday shaqsi caan ka ah Eredivisie Holland, ayaa shaaca ka qaaday in fikradda noqotay mid la taageersanyahay.

Kooxaha Premier League ee Arsenal, Chelsea, Liverpool, Manchester City, Manchester United, Tottenham iyo West Ham ayaa dhamaantood ku matalaya ECA

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here