Horyaalka waddanka Ingiriiska ee Premier League oo kulamadii labaad la ciyaaro Doono Toddobaadkan iyadoo kooxaha waaweyn ee ku tartamanayaan kaalmaha sare

Horyaalka waddanka Ingiriiska ee Premier League ayaa kulamadii labaad la ciyaaraayaa toddobaadkan, iyadoo kooxaha waaweyn ee ku tartamanaya kaalmaha sare iyo kuwa meel-dhexaadka ahiba ay heleen natiijooyin kala duwan kulamadoodii koowaad ee toddobaadkan horraantiisii ay ciyaareen.

Jimcihii ayaa la bilaabay horyaalka Premier League, waxaana guul ku aftaxday Arsenal oo Crystal Palace booqatay, halka Manchester City, Tottenham iyo Chelsea ay dhamaantood guulo soo hooyeen, balse waxa natiijo aanay ku farxin heshay Liverpool oo barbarro ku bilaabatay, halka Manchester United ay guul-darro xanuun badan qasab ku liqday.

Khabiirka kubadda cagta ee Paul Merson ayaa saadaaliyey natiijooyinka kulamada usbuuca labaad ee horyaalka Premier League, waxaanu si gaar ah u dul istaagay kooxaha isku magaalada ah ee Chelsea iyo Tottenham Hotspur oo Axadda ku ciyaari doona Stamford Bridge.

Paul Merson oo ka hadlayay ciyaartan ka  hor inta aanu saadaashiisa u gelin, ayaa yidhi: “Ciyaartani waa mid weyn, kaliyana ma aha xafiiltanka ka dhexeeya labada kooxood, laakiin Chelsea afar jeer ayay garaacday Tottenham xilli ciyaareedkii hore. Labadii ciyaarood ee Premier League ayay ka adkaadeen, waxaana isku darka ay ka xoogeen 12 dhibcood.

“Toddobaadkan waxa aan ka walaacsanahay Chelsea. Waxay iska ahaayeen sida Man United oo kale kulankii Everton, ciyaartoodu ma fiicnayn, ma aanay samaynayn baasas wanaagsan. Haddii Tottenham ay timaaddo Stamford Bridge oo ay guuleysato, waxa aad u walwali doontaa Chelsea iyo inay kaalinta afraad soo geli doonaan.”

Sidaas oo ay tahay, waxa uu Paul Merson saadaaliyey in ciyaarta London Derby ee Chelsea iyo Tottenham ay ku dhamaan doonto barbarro 1-1 ah, hase yeeshee Arsenal ayuu mar kale ka farxiyey oo uu u sheegay inay 3-0 ku garaaci doonto Leicester City oo kusoo booqan doona Emirates Stadium.

Manchester City ayaa la wareegi doonta hoggaanka horyaalka oo ay ku qaban doonto lix dhibcood iyo lix gool, sida saadaasha Paul Merson sheegayso, balse Manchester United ayaa kusii jiri doonta niyad-jabka oo kaliya barbarro heli doonta iyadoo toddobaadkii horena laga badiyey.

Liverpool ayaa kusoo laaban doonta jidka guusha, waxaanay 2-1 ku karbaashi doontaa Crystal Palace oo Isniinta ay ku qaabbili doonta Anfield Stadium.

Halkan kaga bogo saadaasha Paul Merson ee usbuuca labaad ee Premier League

Sabtida

Aston Villa 2-0 Everton

Southampton 2-1 Leeds United

Arsenal 3-0 Leicester City

Brighton & Hove Albion 1-1 Newcastle United

Manchester City 4-0 Bournemouth

Wolverhampton Wanderers 2-1 Fulham

Brentford 1-1 Manchester United

Axadda

Nottingham Forest 1-2 West Ham United

Chelsea 1-1 Tottenham Hotspur

Isniinta

Liverpool 2-0 Crystal Palace

 

 

 

 

 

Wararka Ciyaaraha

Be the first to comment

Leave a Reply

Your email address will not be published.


*