Houssem Aouar oo ‘u furan inuu ka tago Lyon iyadoo lala xiriirinayo Liverpool’

Ciyaaryahanka khadka dhexe ee Lyon Houssem Aouar ayaa lagu soo waramayaa inuu weli u furan yahay inuu ka tago Groupama Stadium iyadoo lala xiriirinayo inuu u dhaqaaqayo Premier League.

Ciyaaryahanka heerka caalami ee dalka Faransiiska ayaa loo saadaaliyay inuu dhameystiri doono ku biiristiisa Arsenal xagaagii lasoo dhaafay, laakiin Gunners iyo Lyon ma aysan gaarin wax heshiis ah wuxuuna la sii joogay kooxda ka dhisan Ligue 1.

Si kastaba ha ahaatee, Aouar ayaan weli qalinka ku duugin heshiiskiisa haatan ee Gones – kaasoo dhacaya 2023 – waxaana loo maleynayaa inuu diirada u saaran yahay kooxaha Arsenal iyo Liverpool .

Haatan, L’Equipe ayaa ku warameysa in 22 jirkaan uu u furan yahay inuu ka tago Lyon xagaagan, iyadoo kooxda Rudi Garcia ay ka baxeyso loolanka horyaalka ee Ligue 1 toddobaadyadii la soo dhaafay.

Madaxweynaha Lyon Jean-Michel Aulas ayaa xaqiijiyay in Aouar loo ogolaan doono inuu ku baxo qiimaha saxda ah, laakiin Arsenal ayaa laga yaabaa inay ku dhibtooto inay ciyaaryahanka khadka dhexe u jiido Emirates iyadoo aan la ciyaarin kubada cagta Yurub.

Aouar ayaa dhaliyay lix gool seddexna wuu caawiyay 28 kulan oo Ligue 1 ah xilli ciyaareedkan, laakiin wuxuu ku dhibtooday inuu ku qasbo safka hore ee isbuucyadii la soo dhaafay.

Fadlan Salaada Tuko Hadii la gaaray

Be the first to comment

Leave a Reply

Your email address will not be published.


*