Home Wararka Ciyaaraha Hugo Lloris oo ka Waramey Qaabka Benzema looga Ceyriyay Xulka France ”...

Hugo Lloris oo ka Waramey Qaabka Benzema looga Ceyriyay Xulka France ” Wax Walbo waxay ku Dhaceen”

0

Kabtankii xulka qaranka Faransiiska ee Isniintii ka fadhiistay ciyaaraha caalamiga ah ee Hugo Lloris ayaa daboolka ka qaaday qaabkii uu tababare Didier Deschamps uga caydhiyey xulka qaranka dalkaas Koobkii Adduunka ee Qatar.

Hugo Lloris oo 36 jir ah ayaa qirtay in wax walba ay si degdeg ah oo aan la filaaynin u dhceen, taas oo dabka ku shidday wararkii hore ugu jiray suuqa ee sheegayay in uu Didier Deschamps xulka  ka caydhiyey Benzema, hase yeeshee waxa uu dhinaca kale meesha ka  saaray in ay jirtay kala-qaybsanaan ka jirtay qolka labbiska.

Saddex  ciyaartoy oo kala ah Hugo Lloris, Olivier Giroud iyo Antoine Griezmann ayaa lagu eedeeyey inay tababare Deschamps ku riixeen in uu xulka ka saaro Karim Benzema, hase yeeshee waxa uu Lloris waxba kama jiraan ka dhigay arrintaas.

Waraysi uu siiyey wargeyska L’Equipe ayaa lagu weydiiyey sidii Benzema  looga saaray xulka, waxaanu ku jawaabay: “Arrinta Karim dhamaantayo waanu la yaabnay. Waxa aanu ku war helnay bixitaankiisa; fiidkii ayaanu tababarka wada qaadanay, waxaana soo gaadhay dhaawac, waanu seexanay subaxnimadiina waxa la noo sheegay inuu Karim tegay.

“Wax kasta si degdeg ah ayay u dhaceen… Waxa lasoo bandhigay baadhitaankii caafimaadka, ciyaartoyduna subaxnimadii ayay ogaadeen.”

Waxa uu Hugo Lloris beeniyey in ay jirtay xurguf qolka dhaxdiisa ah, waxaanu sheegay in ay dhamaan ciyaartoydu doonayeen inuu garabkooda joogo ciyaartoy ku guuleystay Ballon d’Or, waxaanu yidhi: “Dhamaantayo waxa aanu doonaynay ciyaartoygan ku guuleystay Ballon d’Or-ka, markii aanu aragnay waxa uu nagu soo kordhiyey tan iyo markii uu kusoo laabtay xulka.”

Previous articleWaxay Sacuudiga ugu Ciyaarayaan Koobka Spanish Super Cup Inay Lacag ka Sameeyaan, Lacagaha oo la Shaaciyay
Next articleLiverpool oo Wada-hadalo Kula Jirta Khad Dhexe oo u dhashay Xulka France

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here