Home Warar Ciyaaraha Maanta Ian Wright oo Erling Haaland ku tilmaamay mid fulay ah

Ian Wright oo Erling Haaland ku tilmaamay mid fulay ah

0

Halyeeyga Kooxda Arsenal ee Ian Wright ayaa Erling Haaland ku tilmaamay mid fulay ah ka dib wixii uu sameeyay kulankii ay Kooxdiisu bar-baraha la gashay Man City.

Arsenal ayaa u muuqatay kuwo gacanta ku dhigaya 3-da dhibcood kulan ka dhacay Etihad kulan ka tirsanaa horyaalka laakiin john Stones ayaa dhaliyay gool daqiiqadii 97-aad ee ciyaarta.

Kadib markii ay Man City goolka dhalisay xiddiga Haaland ayaa la arkay isaga oo kubada soo qaaday isla markaas madaxa kaga dhuftay daafaca dhexe ee Gabriel.

Muran iyo is qabsi ayaa dhexmaray labada xiddig kadib dhacdada waxana uu Wright ku sheegay Haaland xiddig fulay ah.

“Waxa iga xanaajiyay ee dhacay Kulanka ayaa ah wixii uu sameeyay Haaland, waxa aan ku tilmaami karaa doqonimo”ayuu yidhi Haaland.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here