Home Suuqa Kala iibsiga Ian Wright oo u Sheegay in seddexda ciyaaryahan ee Arsenal ay u...

Ian Wright oo u Sheegay in seddexda ciyaaryahan ee Arsenal ay u baahan yihiin inay is muujiyaan

0

Ian Wright ayaa aaminsan in seddexda ciyaaryahan ee Arsenal ay u baahan yihiin inay is muujiyaan wax badan si Gunners ay ugu dambeyntii u soo afjarto sugitaanka koobka Premier League.

In ka badan labaatan sano ayaa laga joogaa tan iyo markii ugu dambeysay ee Gunners ay ku guuleysato horyaalka, in kasta oo kooxda Mikel Arteta ay si aad ah ugu dhawaatay inay soo afjarto abaarta koob la’aanta.

Arsenal ayaa ku dhameysatay shan dhibcood ka hooseysa Manchester City xilli ciyaareedkii 2022-23 iyagoo kaliya labo dhibcood ka dambeeya kooxda Pep Guardiola xilli ciyaareedkii hore, iyagoo tartanka la aaday maalintii ugu dambaysay.

Kooxdii hore ee Wright ayaa si wanaagsan ku bilowday xilli ciyaareedka cusub, iyagoo 2-0 ku garaacay Wolves.

Wright ayaa rajo ka qaba fursadaha Arsenal ee horyaalka premier League laakiin waxa uu sheegay in xiddigaha Gabriel Jesus, Gabriel Martinelli & Reiss Nelson ay kor u qaadaan qaab ciyaareedkooda.

“Gabriel Jesus iyo Gabriel Martinelli waa inay keenaan wax ka badan waxa haatan”ayuu Wrigh yidhi.

“Labadooduba si fiican ayay u ciyaareen xilli ciyaareedkii hore laakiin waa in ay dhaliyaan goolal badan”.

“Aniga ahaan Reiss Nelson waa in uu soo bandhigo qaab ciyaareed fiican”ayuu sii raaciyay.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here