Ibrahima Konate seegi Doona bilowga xilli ciyaareedka Premier League

Photo/Reuters

Daafaca Liverpool Ibrahima Konate ayaa xaqiijiyay inuu seegayo bilowga xilli ciyaareedka Premier League ka dib markii uu dhaawac soo gaaray kulankii ay guuldarada 3-0 kala kulmeen Strasbourg.

Xiddiga Faransiiska ayaa labo jeer oo isku xigta dhulka ku dhacay bilowgii qeybta labaad taasoo keentay inuu bedelo tababare Jurgen Klopp.

23 jirkaan ayaana xaqiijiyay inuusan in muddo ah taam noqon doonin ka dib dhaawicii kulankaas ka soo gaaray.

“Nasiibdarro, in muddo ah ayaan garoomada ka maqnaan doonaa laakiin waqti dheer ma noqon doonto” ayuu Konate ku soo qoray bogiisa Instagram caawa.

Liverpool ayaa kulankooda furitaanka xilli ciyaareedka cusub ee Premier League waxay u safrayaan London iyagoo Sabtida la ciyaaraya kooxda u soo dalacday horyaalka ee Fulham.

Tababare Jurgen Klopp waxaa ka maqnaan doona kulankaan shan xidig oo uu ku jiro Konate, waxaa iyagana sidoo kale dhaawacyo ku seegaya kulanka Fulham Diogo Jota, Alex Oxlade-Chamberlain, Kostas Tsimikas, Curtis Jonas iyo goolhayaha keydka Coaimhim Kelleher.

Waxaase war wanaagsan u ah Liverpool in tababarka uu ku soo laabtay goolhayaha koowaad Alisson kaasoo dhaawac ku maqnaa todobaadyadii ugu danbeeyay.

 

 

Wararka Ciyaaraha

Be the first to comment

Leave a Reply

Your email address will not be published.


*