Home Horyaalka Italy Ibrahimovic ma ahan inuu joojiyo gooldhalinta kadib markii uu gaaray 500 oo...

Ibrahimovic ma ahan inuu joojiyo gooldhalinta kadib markii uu gaaray 500 oo gool xilli Pioli uu diray Fariin

0

Tababaraha kooxda Ac Milan Stefano Pioli ayaa sheegay in xiddiga caanka ah ee Zlatan Ibrahimovic aysan ahayn inuu joojiyo goolasha kadib markii uu gaaray goolkiisii 500aad xirfadiisa kooxeed.

Ibrahimovic kadib labadii gool uu ka dhliyey kooxda Crotone isla markaana Ac milan ayaa ku badisay 4:0 ayaa waxaa loo diiwaan geliyey goolasha uu u dhaliyey dhamaan kooxaha uu usoo dheelay ayaa noqdeen 501 xilli ciyaareedka.

39 jirkan ayaa Milan ka saaciday ineey dib ugu soo laabtaan hogaanka Seria A sidoo kale waxaa labo gool u saxiixay Ante Rebic Taas oo ka saaciday kooxda Ac milan Labo dhibcood ka kor maraan Kooxda ay xifaaltamaan ee inter milan.

Looma baahna in wax lagu daro. Kaliya waa inaan u hambalyeynno isaga, ”ayuu Pioli oo u sheegay suxufiyiinta Waa horumar aan la rumeysan karin laakiin waxaan ka hadlaynaa tirada koowaad waa horyaal Kaliya waxaan rabaa inaan u hambalyeeyo mar labaad oo aan u diro farriin Ma aha inuu joojiyo lambarkaas.

Ibrahimovic waa mid ka mid ah labada ciyaartoy oo uu wehliyo xiddigga caanka ah ee Juventus Cristiano Ronaldo kaasoo dhaliyay goolasha ugu badan shanta horyaal ee ugu sareysa Yurub 2020-21.

Xiddigii hore ee xulka Sweden ayaa dhaliyay 14 gool oo Serie A ah 11 kulan oo uu saftay xilli ciyaareedkan, halka uu 16 ka dhaliyay tartamada oo dhan.

Ciyaaro kala Soco Wararka Ciyaaraha

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here