Home Suuqa Kala iibsiga Ilkay Gündogan oo ku sii dhawaanaya ku laabashada kooxda Man City.

Ilkay Gündogan oo ku sii dhawaanaya ku laabashada kooxda Man City.

0

Xiddiga khadka dhexe ee Ilkay Gündogan ayaa ku sii dhawaanaya ku laabashada kooxda Man City.

Ilkay Gündogan ayaa xagaagii isaga tagay Man City isaga oo qaab xor ah ugu biiray Barcelona.

Laakiin xiddiga ayaa durba doonaya in uu isaga tago kooxda Barcelona kadib hal xilli ciyaareedka.

Ilkay Gündogan Ayaa doonaya in uu ku biiro kooxdiisii hore ee Man City si uu ugu laabto premier League.

Saxafiga Fabrizio Romano ayaa sheegaya in ay Barcelona Ilkay Gündogan u ogolaanayso in uu si xor ah uga tago kooxda.

Barcelona ayaa go’aansatay in aanay wax lacag ah waydiisan kooxda doonaysa Ilkay Gündogan inkasta oo uu hal sano uga dhiman yahay heshiiskiisa kooxda.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here