Ilkay Gundogan oo qarka u saaran inuu ka tago Manchester City xagaagan’

Ciyaaryahanka khadka dhexe ee Manchester City Ilkay Gundogan ayaa lagu soo waramayaa inuu qarka u saaran yahay inuu ka tago kooxda suuqan xagaaga.

xiddigaha sida Kevin De Bruyne iyo Bernardo Silva ay khadka dhexe ka ciyaarayay ololihii 2021-22, Gundogan ayaa sidoo kale si weyn ugu lug lahaa xilli ciyaareedkan isaga oo diiwaangeliyay siddeed gool iyo lix caawin 42 kulan oo uu saftay tartamada oo dhan.

Si kastaba ha ahaatee, Daily Mail ayaa werrineysa in 31-sano jirkaan loo sheegay inuu xor u yahay inuu koox cusub helo xagaagan, maadaama uusan jirin qorshe lagu kordhinayo qandaraaskiisa oo dhacaya June 2023.

Warku waxa uu intaa ku daray in Gundogan lagu arkay isaga oo diyaarad ku sii jeeda Madrid Isniintii, inkasta oo kooxda koowaad ee City la siiyay laba maalmood oo fasax ah, haddana lama oga sababta uu u safray caasimadda Spain.

Gundogan ayaa ahaa saxiixii ugu horeeyay ee uu sameeyo tababaraha Man City Pep Guardiola xagaagii 2016, tan iyo markaas wuxuu ciyaaray 156 kulan tartamada oo dhan, isagoo ka qayb qaatay 46 gool, wuxuuna ka caawiyay kooxda inay ku guuleysato 10 koob.

Wararka Ciyaaraha

Be the first to comment

Leave a Reply

Your email address will not be published.


*