Arsenal ayaa lagu soo waramayaa inay doonayso inay Dusan Vlahovic ka dhigto mid ka mid ah ciyaartoyda ugu mushaharka badan Premier League haddii uu u soo dhaqaaqo Emirates Stadium bishaan.
Ciyaaryahanka heerka caalami ee dalka Serbia ayaa qaab ciyaareed cajiib ah ku soo bandhigay Fiorentina intii lagu jiray xilli ciyaareedkii 2021-22, isagoo dhaliyay 20 gool, waxaana uu diiwaan geliyay afar caawin 24 kulan oo uu saftay tartamada oo dhan.
Arsenal ayaa weli lala xiriirinayaa weeraryahankeeda dhexe, halka Juventus , Manchester City , Manchester United iyo Tottenham Hotspur ay sidoo kale xiiseynayaan xiligan.
Sida laga soo xigtay La Nazione , Gunners ayaa diyaar u ah inay 21 jirkaan ka dhigto mid ka mid ah ciyaartoyda ugu mushaarka badan Premier League haddii uu u dhaqaaqo kooxda.
Warbixinta ayaa sheegeysa in Vlahovic uu usbuuciiba ku qaadan karo 308,000 oo bound Waqooyiga London, laakiin weeraryahanka weli kuma qanacsana inuu u wareego kooxda Mikel Arteta .
Geesta kale Fiorentina ayaa lagu soo waramayaa inay dooneyso inay iska iibiso weeraryahanka bishaan si ay u xaqiijiso inay ku helaan lacag aad u sareysa, laakiin Serbian-ka ayaa doorbidaya inuu sugo ilaa dhamaadka ololaha inuu baxo.