Liverpool ayaa waxaa ka maqnaan doona Alisson ilaa dhamaadka bisha November, taasoo la micno ah in goolhayuhu uu seegi doono kulamada muhiimka ah ee Chelsea, Arsenal iyo Bayer Leverkusen.
Ciyaaryahanka heerka caalami ee dalka Brazil ayaa lagu qasbay inuu garoonka ka baxo kulankii Liverpool ay 1-0 kaga badisay Crystal Palace sabtidii.
Alisson ayaa la bedelay daqiiqadii 79-aad ee ciyaarta, waxaana kursiga keydka kasoo kacay goolhaye Vitezslav Jaros oo badalay Caoimhin Kelleher, kaasoo xanuun ku seegay ciyaarta.
Kelleher ayaa hadda la filayaa inuu badalo inta uu Alisson ka maqnaan doono garoomada iyadoo The Times ay warinayso in goolhayaha koowaad ee Liverpool uu maqnaan doono ugu yaraan toddobo kulan.
Taasi waxay la macno tahay in Alisson uu maqnaan doono kulamada Liverpool ee Premier League ee ay la ciyaarayaan Chelsea, Arsenal, Brighton iyo Aston Villa.
Waxa uu sidoo kale ka maqnaan doonaa kulanka Champions League ee Liverpool ay u safreyso RB Leipzig, iyo sidoo kale kulanka ay gurigooda kula ciyaari doonaan Bayer Leverkusen.
Alisson ayaa sidoo kale maqnaan doona kulanka ay Liverpool booqan doonto Brighton kulan ka tirsan tartanka Carabao Cup wareegii 4-aad 30-ka October.