Home Warar Ciyaaraha Maanta Imisa Kulan ayuu Maqnaan Doonaa khadka dhexe ee kooxda Arsenal Declan Rice?

Imisa Kulan ayuu Maqnaan Doonaa khadka dhexe ee kooxda Arsenal Declan Rice?

0

Xiddiga khadka dhexe ee kooxda Arsenal Declan Rice ayaa kooxdiisa ka maqnaan doona kulamada soo socda kadib kaadhkii casaa ee kulankii Brighton.

Declan Rice ayaa loo taagay kaadhka cas kulankii ay kooxdiisu bar-baraha 1/1 ah la gashay Brighton kulan ka tirsanaa premier League.

Xiddiga khadka dhexe oo horay u haystay kaadhka digniinta ah ayaa loo taagay kaadhka 2-aad kadib markii uu kubada si kas ah uga laaday xiddig Brighton ah.

Sidaas darteed xiddiga ayaa garoomada ka maqnaan doona kulan sabab la xidhiidha ganaax.

Declan Rice ayaa sidaas darteed seegi doona kulanka ay kooxdiisa Arsenal la ciyaari doonto Tottenham muddo laba todobaad kadib.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here