kooxda Barcelona ayaa Xasuuq u geysatay kooxda Inter Miami ee Dalka Mareykanka oo ay wada ciyareen kulan saaxiibtinimo kulankaasi oo ku soo dhamaaday 0-6.
labada koox ayaa kulankooda u ahaa mid ay iskugu diyaarinayaan xili ciyaareedka cusub ee bilaabanaya iyadoo xidigaha Raphinha & Depay ay bandhig sameeyeen.
Daqiiqadii 18aad Aubameyang ayaa hogaanka u dhiibay kooxda Barcelona isagoo kubad ka dulqaaday goolhayaha kooxda Inter Miami.
Daqiiqadii 24aad: Xidiga ku cusub kooxda Raphinha ayaa hogaanka u dheereeyay Barcelona isagoo bidix ku dhameestiray kubad banaanka loo soo dhigay.
Dhamaadka Ciyaarta Daqiiqadii 40aad Xidiga Fati ayaa shabaqa dhex dhigay kubad awood badan oo isagoo ciyaarta ka dhigay 3-0 waxana lagu kala nastay goolashaasi.
Qeybta labaad Barcelona ayaa halkeeda kasii waday Xasuuqa kulankan waxana goolashada qeybta labaad daah furay Gavi.
Ciyaarta Socota 54 Daqiiqo waxaa kubad koorno aheyd soo qaaday Depay kaasi oo dhulka ku soo xoqay waxana ka faa’ideestay Gavi oo meel cidlo ah ka helay isagoo shabaqa dhex dhigay.
Xidigaha kala ah Dembele iyo Depay ayaa labada gool ku kala daray Daqiiqadihii 68aad iyio 69 aad ee ciyaarta guud ahaan kulanka ayaa ku soo dhamaaday 0-6.
Shaxda labada Koox
Inter Miami XI: Higuain, Gibbs, N. Marsman, Pozuelo, V. Ulloa, Yedlin, D. Lowe, Gregore, I. Vassilev, B. Duke, aime mabika
Subs: J. Jones, R. Taylor, C. Diop, Jean Mota, C. Mcvey, C. Dos Santos, J. Quinteros, H. Neville, S. Borgelin, E. Rodríguez, Modesto Méndez, Noah Allen, Ryan Sailor, Romeo Beckham
Barcelona XI: Aubameyang, Ter Stegen, Christensen, Kessie, Raphinha, Eric Garcia, Dest, Nico González, Fati, Pedri, Álex Baldé
Subs: Alba, Busquets, Roberto, Depay, Dembele, Pena, De Jong, Ronald Araujo, Arnau Tenas, Álex Collado, Marc Casadó, Ez Abde, Pablo Torre, Gavi