Inter Milan 1-1 Juventus, P. Dybala oo ka Fujiyay Old Lady Waqtiga Dhimashada

kooxda Inter Milan oo garoonkeeda ku soo dhaweesay kooxda Juventus ayaa caawa la gashay bar-baro 1-1.

Xidigaha P. Dybala iyo Dzeko ayaa dhaliyay labada gool ee Kulankan iyadoo Juventus ay gool rigoore ah heshay dhamaadka ciyaarta.

Sharaxaada Ciyaarta

Inter Milan ayaa u suura gashay inay hogaanka ciyarta qabato Daqiiqadii 17aad ee ciyaarta E. Dzeko ayaa dhameestiray kubad ku dhacday birta oo dib u soo laabatay waxana lagu kala nastay goolkaasi.

Macalinka Kooxda Juventus Massimiliano Allegri oo dhiiro galin u sameeyay xidigaha kooxda tasi oo keentay in qeybta labaad dhamaadkeeda ay Juventus sameyso dadaal xoogan taasi oo keentay in Qalad lagu galo xidiga Alex Sandro oo lugta laga laaday.

Macalinka kooxda inter milan Simone Inzaghi ayaa la siiyay kaarka Casaanka kadib markii uu ka carooday goolka rigoorada ee laga dhigay kooxdiisa.

Shaxda Ciyaarta lagu soo bilaabay

Inter XI: Perisic, Darmian, Handanovic, Dzeko, De Vrij, Brozovic, Calhanoglu, Skriniar, Barella, Lautaro, Bastoni

Subs: Sanchez, Kolarov, A. Cordaz, Ranocchia, D’Ambrosio, Vecino, Dimarco, Gagliardini, Sensi, Dumfries, Radu, M. Satriano

Juventus XI: Bonucci, Szczesny, Chiellini, Cuadrado, Danilo, Sandro, Morata, Bernardeschi, Locatelli, Kulusevski, McKennie

Subs: Ramsey, Pinsoglio, Perin, De Sciglio, Rugani, Dybala, Arthur, Bentancur, De Ligt, L.Pellegrini, Chiesa, Kaio Jorge

Fadlan Tuko Salaada Hadii la Gaaray Waqtigeeda

Be the first to comment

Leave a Reply

Your email address will not be published.


*