Home Wararka Ciyaaraha Inter Milan 2-1 Juventus: Alexis Sanchéz oo waqtiga dheeriga ka Caawiyay Inter...

Inter Milan 2-1 Juventus: Alexis Sanchéz oo waqtiga dheeriga ka Caawiyay Inter Milan ku Guuleysiga Koobka Supercoppa Italiana

0
Ad

Inter ayaa Juventus ka qaaday koobka Supercoppa Italiana  xili uu gool dhaliyay waqtigii dheeriga ahaa xidiga Alexis Sanchéz.

Goolasha: Lautaro Martínez (P) 35′, Alexis 120′; McKennie 25′

Ad

Inter ayaa ciyaarta ku bilaabatay si qurux badan, balse Juventus ayaa ciyaarta hogaanka u qabatay bartamihii qeybtii hore ee ciyaarta iyadoo madax uu ku dhaliyay Weston McKennie,kadib karoos uu soo qaaday Álvaro Morata Daqiiqadii 25aad

Hogaankooda ma sii waarin, si kastoy ahaataba, 10 daqiiqo ka dib Mattia De Sciglio ayaa Xerada Ganaaxa ku dhex jiiray Edin Dzeko garsooraha ayaana tilmaamay rigoore.

Rigoorada waxaa u soo istaagay Lautaro Martínez oo ciyaarta ka dhigay 1-1 iyadoo lagu kala nastay.

Markii layskugu soo laabtay qaybtii danbe ee ciyaarta ayaa Denzel Dumfries uu u dhawaaday in uu ciyaarta ka dhigo 2:1 ay Inter hogaanka ciyaarta ku qaban kartay laakiin fursadaasi kama faa’ideysan

90-kii daqiiqo ee ciyaarta ayaa lagu kala nastay barbaro, waxaana ciyaarta lagu daray waqti dheeri ah.

ciyaarta ayaa u muuqatay mid rigoore la aadayo, lakin Alexis Sanchéz ayaa dhaliyay gool soo daahay oo cajiib ahaa daqiiqadii 120-aad iyadoo sidaasi ay ku badisay Inter Milan.

Nerazzurri ayaa kor u qaaday Supercoppa markii ugu danbeesay sanadkii 2010.

Previous articleTottenham 0-1 Chelsea: Blues oo iska xaadirisay finalka EFL Cup Xili Spurs ay soo bandhigtay qaab ciyaareed cajiib ah
Next articleHorudhac: Liverpool Vs Arsenal ee Koobka EFL Cup, Wararka Labada Koox iyo Shaxda Macquulka

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here