Sida laga soo xigtay Tuttosport Inter Milan ayaa isha ku heysa garabka Real Madrid Eden Hazard, waxaana ay isku dayi doonaan inay keenaan San Siro marka uu furmo suuqa kala iibsiga.
Ciyaaryahanka heerka caalami ee dalka Belgium ayaa la dhibtoonayay dhaawacyo tan iyo markii uu kaga soo biiray kooxda ka dhisan La Liga kooxda Chelsea bishii Juun 2019 heshiiskii ugu horreeyay ee 90 milyan oo ginni muddo shan sano ah , isagoo ka soo muuqday kaliya 28 kulan tartamada oo dhan.
Tababaraha Madrid ayaa doonayay xiddig sameyn kara wax la mid ah saameynta uu Cristiano Ronaldo ku yeeshay Santiago Bernabeu , helitaanka xiddigii hore ee Chelsea ayaa ka mid aheyd dalabyadii uu ka dalbaday Perez ka hor inta uusan aqbalin inuu ku laabto Madrid.
Inkasta oo uu Zidane ku hogaamiyay kooxda Los Blancos hanashada horyaalka La Liga xilli ciyaareedkii hore, Hazard ayaan door weyn ka ciyaarin guushii ay gaareen, kooxda ayaana sifiican u sameysay la’aantiis.