Inter Milan oo dib ugu soo laabatay Saxiixa Xidiga Cavani

Kooxda Inter Milan ayaa ku soo laabatay dagaalka ay ugu jirto weeraryahanka Manchester United Edinson Cavani .

Kadib markii uu ogolaaday heshiis cusub oo hal sano ah, Cavani waxa uu la dhibtoonayay dhaawacyo xilli ciyaareedkan waxana uu u muuqdaa mid bixi doona marka uu heshiiskiisu dhaco June.

La Gazzetta dello Sport ayaa sheegaysa in Inter ay ku biirtay baacsiga loogu jiro xiddiga reer South America.

Waxay qireen in ruug-caddaa uu xiiso badan ka helayo meelo kale sida LaLiga.

Laakiin Inter ayaa doonaysa in ay la soo wareegto weeraryahan khibrad leh si ay ugu xoojiso weerarkeeda.

Inter ayaa dooneysa Xidig la Ciyaara Edin Dzeko – laakiin waxay raadinayaan inay sameeyaan heshiis iyadoon wax lacag ah lagu bixin.

Wararka Ciyaaraha

Be the first to comment

Leave a Reply

Your email address will not be published.


*