Kooxda Inter Milan ayaa lagu soo waramayaa in ay isku diyaarinayso in ay wadahadalo la furto Romelu Lukaku si ay heshiis cusub uga saxiixato kooxda.
Ciyaaryahanka heerka caalami ee dalka Belgium ayaa dhaliyay 46 jeer 64 kulan oo uu u saftay kooxda heysata horyaalka Talyaaniga tan iyo markii uu ka yimid Manchester United ka hor xilli ciyaareedka 2019-20.
27 jirkaan rekoodhkiisa xilli ciyaareedkan ayaa ah 12 gool 12 kulan oo uu ciyaaray tartamada oo dhan, warbixin dhawaan soo baxday ayaa sheegtay in Real Madrid ay u aragto bedelka mustaqbalka fog ee Karim Benzema .
Si kastaba ha noqotee, sida laga soo xigtay 90min , Inter ayaa dhawaan wadahadalo qandaraas kordhin ah la furi doonta weeraryahanka dhexe inkastoo xaqiiqda ay tahay in qandaraaska uu haatan ku joogo San Siro weli ay u harsan tahay seddex sano iyo bar.
Warbixinta ayaa sheegeysa in Lukaku uu ‘ku faraxsan yahay’ San Siro oo uusan raadineynin bixitaan, laakiin kooxda heysata horyaalka Talyaaniga ee Juventus ayaa sidoo kale ku biirtay liiskiisa taageerayaasha.
Da, yarkii hore ee Anderlecht ayaa dhaliyay 4 gool 4-tii kulan ee uu ciyaaray champions League xilli ciyaareedkan inkasta oo kooxda Antonio Conte ay haatan ku jirto kaalinta ugu hooseysa guruubkooda xilli uu u harsan yahay hal kulan oo kaliya.