Inter Milan oo garaacday Kooxda Spezia siina adkeesay booskeeda labaad ee Horyaalka Serie A

Kooxda Inter Milan oo ciyaartay Lugtii 13-aad ee Horyaalka Taliyaaniga ayaa guul muhiim ah ka gaartay kooxda Spezia oo marti ku aheyd garoonka Giuseppe Meazza.

Xidigaha Inter Milan ayaa muhiimad gooni ah waxa uu u lahaa kulanka iyagoo niyada ku hayay in ay hogaanka qabtaan inkastoo kooxda Ac-milan qudheeda ay guul muhiim ah gaartay.

labo gool ay kala dhaliyeen xidigaha Achraf Hakimi Daqiiqadii 52-aad iyo Romelu Lukaku oo rigoore dhaliyay daqiiqadii 71-aad ayaa inter Milan uga filnaan guul ay ka gaaraan kulankan.

Kooxda Martida ah ee Spezia ayaa dadaal badan oo ay sameesay waxaa u suura gashay in ay gool keento Daqiiqadii 90+4 aad ee Ciyaarta iyadoo ciyaarta ku soo idlaatay 2 iyo 1.

Guusha ay gaartay Inter Milan ayaa ka dhigan in ay sii fadhiso booska labaad ee Horyaalka Taliyaaniga iyagoo leh 30 dhibcood halka Spezia ay ku jirto booska 17-aad iyagoo leh 11 dhibcood.

Kooxda Inter Inter Milan ayaana Ciyaarta xigta waxay la ciyaaridoonta kooxda Verona oo marti loo yahay 23 bishan oo ku beegan Arbacada.

 

Wararka Ciyaaraha

Be the first to comment

Leave a Reply

Your email address will not be published.


*