Inter Milan oo guul ka gaartay AC Milan si ay ugu gudubto finalka Coppa Italia

Kooxda Inter Milan ayaa iska xaadirisay finalka Coppa Italia kadib markii ay San Siro ku garaacday kooxda ay xafiiltamaan ee Milan.

Goolasha: Lautaro Martínez 4′, 40′, Gosens 82′

bilowga qeybta hore ee ciyaarta Lautaro Martínez ayaa daah-furay Goolgashada Daqiiqadii 4aad ee ciyaarta kadib markii uu kubad xoog badan shabaqa dhex dhigay kadib karoos uu soo dhigay Matteo Darmian.

Milan ayaa baadi goob ugu jirtay goolka barbaraha, iyadoo Inter ay iska difaacday weerarka Milan.

Daqiiqado yar ka hor qeybta nasashada, Inter ayaa sii kordhisay goolasheeda markii Lautaro uu mar kale shabaqa soo taabtay ka dib markii uu xiriir fiican la sameeyay xiddiga ay isku dalka yihiin ee Joaquin Correa isagoo kubad Qurux badan ka dul-qaaday Goolhayaha iyadoo lagu kala nastay labadaasi gool.

Robin Gosens oo bedel ku soo galay ciyaarta ayaa hogaanka u sii dheereeyay Inter isagoo dhameestiray kubad uu banaanka soo dhigay Marcelo Brozović.

Kooxda Simone Inzaghi ayaa haatan 11ka May finalka ku wajihi doonta midkood Juventus ama Fiorentina kulan ka dhicidoona magaalada Rome.

Wararka Ciyaaraha

Be the first to comment

Leave a Reply

Your email address will not be published.


*