Ad
kooxda Inter Milan ayaa guul ka gaartay kooxda Juventus kulan ka tirsan Horyaalka Serie A oo ka dhacay garoonka Juventus.
Inter Milan ayaa ku jirta kaalinta 3aad ee horyaalka iyadoo leh 63 dhibcood Napoli oo kalinta labaad ku jirta ayaa leh 66 dhibcood.
Ad
Xidiga Calhanoglu ayaa gool rigoore ah u dhaliyay qeybta hore goolkaasi ayaana ka caawiyay guushooda.
Rigoore ayaa timid daqiiqadii 45+5aad ee qeybta hore kadib markii qalad lagu galay Denzel Dumfries iyadoo garsooraha uu tilmaamay rigoore.
Labada kooxood ayaa ciyaari doona sabtida marka ay Juve booqan doonto Cagliari halka Inter ay marti galin doonto Hellas Verona.