Inter Milan ayaa lagu soo waramayaainay fiirsaneysa xidiga Paris Saint-Germain Angel Di Maria .
32 jirkaan ayaa weli muhiim u ah kooxda heysata horyaalka Faransiiska, isagoo ka qeyb qaatay afar gool iyo shan caawin 10 kulan oo uu saftay tartamada oo dhan intii lagu jiray ololihii 2020-21.
Qandaraaska Di Maria ee Paris wuxuu dhacayaa xagaaga soo socda, inkastoo, sida ay haatan tahay, xiddiga heerka caalami ee dalka Argentina wuxuu xor u noqon doonaa inuu kala hadlo kooxaha kale bilowga 2021.
Sida laga soo xigtay Calciomercato , weeraryahanka qibrada leh uma badna inuu qalinka ku duugo heshiis cusub kooxda PSG, Inter ayaana baareysa suurtagalnimada ay kula soo saxiixan karto.
Kooxda Antonio Conte ayaa isku dayi doonta inay heshiis hordhac ah la gasho Di Maria, inkasta oo bixitaanka January ay xiisayn karto PSG madaama ay halis ugu jiraan inay xagaaga dambe ku waayaan waxba.
Kubadsameeyihii hore ee Real Madrid iyo Manchester United ayaa dhaliyay 86 jeer, waxaana uu diiwaan geliyay 97 caawin 231 kulan oo uu u saftay kooxdiisa haatan tartamada oo dhan.