Inter Milan oo ka fiirsaneysa inay u dhaqaaqdo Edinson Cavani

Inter Milan ayaa lagu soo waramayaa inay ka fiirsaneyso inay xagaaga u dhaqaaqdo weeraryahanka Manchester United Edinson Cavani .

Qandaraaska xiddiga reer Uruguay ee Old Trafford ayaa dhacaya dhamaadka bisha June, waxaana la filayaa inuu ka tago Red Devils isagoo raadinaya koox cusub.

Warbixin dhawaan soo baxday ayaa lagu sheegay in Cavani uu doonayo inuu u dhaqaaqo Spain xagaagan, maadaama uu doonayo inuu la kulmo nolosha La Liga ka hor dhamaadka xirfadiisa ciyaareed.

Si kastaba ha ahaatee, sida laga soo xigtay Calciomercato , waxaa sidoo kale jira xiiso dhab ah oo ka imaanaya Inter, iyadoo kooxda heysata horyaalka Talyaaniga ay go’aansatay inay kordhiso weerarkeeda ka hor ololaha 2022-23.

Warbixinta ayaa sheegeysa in kooxda Milan ay waqti dheer la dhacsan tahay xidiga Koonfurta Ameerika, islamarkaana ay xiiseynayaan inay dib ugu soo celiyaan Talyaaniga bilaha soo socda.

Wararka Ciyaaraha

Be the first to comment

Leave a Reply

Your email address will not be published.


*