Inter Milan oo Xasuuqday Kooxda Ac Milan Hogaanka Horyaalkana sii dheereesatay

Photo Andrea Staccioli / Insidefoto andreaxstaccioli

Kooxda Inter Milan ayaa Fariin culus u dirtay kooxaha ka ciyaara Horyaalka Serie A kadib markii ay ka badisay kooxda Ac Milan kulan ka tirsan Horyaalka Italy.

Inter Milan ayaana 3 iyo 0 ku garaacay Kooxda Ac Milan oo kulankan marti loogu ahaa garoonkooda.

Xidigaha Inter Milan ayaana 5 Daqiiqo ay ku qaadatay in ay hogaanka ciyaarta la wareegaan kadib markii xidigaha Lautaro Martinez uu shaqaba soo taabtay goolkaasi ayaana lagu kala nastay.

Lautaro Martinez ayaana mar kale Shabaqa soo taabtay qeybta danbe daqiiqadii 57-aad ee ciyaarta ka hor inta uusan goolka 3-aad dhalin Romelu Lukaku daqiiqadii 66-aad ee ciyaarta guud ahaan kulanka ayaana ku soo dhamaaday 0-3.

Natiijada kulanka ayaa ka dhigan in Inter Milan ay Hogaanka Horyaalka ku qabato 4 dhibcood oo nadiif ah iyadoo leh 53 dhibcood halka Ac Milan ay heysato 49 dhibcood.

Maxaa Xiga

Inter Milan ayaa kulanka xiga la ciyaaridoonta Genoa isla horyaalka Halka Ac Milan ay booqasho ugu tagidoonto kooxda Crevena Europe league.

Fadlan Tuko Salaada Hadii la Gaaray Waqtigeeda

Be the first to comment

Leave a Reply

Your email address will not be published.


*