Inter Milan oo xiiseyneysa ciyaaryahanka khadka dhexe ee Arsenal Lucas Torreira

Sida laga soo xigtay wargayska talyaaniga, La Stampa , Inter Milan  ayaa xiiso u qabta saxiixa xiddiga khadka dhexe uga ciyaara kooxda Arsenal ee Lucas Torreira kaas oo haatan amaah kula jooga kooxda Atletico Madrid.

Lucas Torreira ayaa u dhaqaaqay Premier League xagaagii 2018, isagoo u saxiixay Arsenal heshiis 30 milyan oo ginni ah oo uu uga soo wareegay Sampdoria. In kasta oo uu muujiyay ballanqaad badan markii hore, laacibka reer Uruguay ayaa durbadiiba ka helay boos joogto ah Emirates.

24 jirkaan ayaa doortay inuu xilli ciyaareed amaah ah ugu biiro Atletico Madrid xagaagii, iyadoo Mikel Arteta uusan boos ka helin ciyaaryahanka kooxdiisa.

Si kastaba ha noqotee, Torreira ayaana la qabsan La Liga, isagoo kaliya afar kulan ku soo bilaabay 13 kulan oo uu saftay tartamada oo dhan xilli ciyaareedkaan kooxda Diego Simeone.

Wararka ayaa sheegaya in kooxda Inter Milan ay doonayso in ay gacanta ku soo dhigto xiddiga amaahda uga maqan kooxda Arsenal xilli uu Antonia Conte doonayo in uu xoojiyo kooxdiisa qaybtii dambe ee xilli ciyaareedka.

Kooxo badan oo Yurub ah ayaa lagu xantaa inay xiiseynayaan Torreira, iyadoo Valencia, Fiorentina iyo Torino ay diyaar u yihiin inay kula dagaallamaan Inter Milan saxiixa khadka dhexe.

Ciyaaro kala Soco Wararka Ciyaaraha

Be the first to comment

Leave a Reply

Your email address will not be published.


*