Inter Milan oo xiiso xoogan u heysa ciyaaryahanka Liverpool Georginio Wijnaldum

Photo/Reuters

Inter Milan ayaa lagu soo waramayaa inay diyaar u tahay inay mudnaanta siiso heshiiska ciyaaryahanka khadka dhexe ee Liverpool Georginio Wijnaldum .

Ciyaaryahanka heerka caalami ee dalka Netherlands ayaa kaliya lix bilood ka hartay qandaraaskiisa Anfield, isagoo heesta awood uu wadahadallo kula yeelan karo kooxaha ajnabiga ah bisha Janaayo.

Iyadoo Barcelona sidoo kale loo arko inay tahay kooxaha xiiseenaya hada, Inter ayaa u muuqatay inay tartan xoog leh kula jirto kooxaha waaweyn ee La Liga toddobaadyadii la soo dhaafay.

Sida laga soo xigtay FcInterNews , saraakiisha kooxda ayaa durbaba xiriir la sameeyay wakiilka 30 jirkaan ka hor wadahadalo rasmi ah bisha soo socota.

Wax badan ayaa ku xirnaan kara haddii Inter ay awood u leedahay inay heshiiska qeyb uga dhigto Christian Eriksen , kaasoo laga xiiseeneenin San Siro.

Wijnaldum ayaan wali cadeynin hadii uu doonayo inuu kordhiyo joogitaankiisa Liverpool, xaaladaas oo keentay in kooxo dhowr ah ay u xusul duubaan saxiixiisa.

Wararka Ciyaaraha

Be the first to comment

Leave a Reply

Your email address will not be published.


*