
Kooxda Inter Milan ayaa iska lumisay fursad ay hogaanka Serie A-da kaga qabsan lahayd Ac Milan kadib markii ay guuldaro 2-0 ah kala kulantay kooxda Sassuolo Axadii.
Giacomo Raspadori ayaa sideed daqiiqo ciyaarta oo socota gool ku dhaliyay garoonka San Siro, iyadoo Gianluca Scamacca uu goolka labaad u dhaliyay kooxda Sassuolo qeybtii hore ee ciyaarta.
Kooxda Simone Inzaghi ayaa maamulaysay kubbad haynta oo dhan laakiin waxa ay awoodi wayday in ay jabiso difaaca Alessio Dionisi taas oo ka dhigaysa in Nerazzurri ay hal guul ka heshay shantii kulan ee ugu dambeeyay tartamada oo dhan.
Hogaamiyeyaasha AC Milan ayaa bar-baro kala kulmay Salernitana lakin Inter Milan ayaa ku guuldareysatay inay fahanto fursada ay dhibic hogaanka ugu qaban kartay dhigeeda Ac Milan.
Inter ayaa booqan doonta Genoa Jimcaha, halka Sassuolo ay martigelin doonto Fiorentina maalinta xigta.
Be the first to comment