Isku Aadka 16-ka Champions league-ga oo dib loogu Celin karo Qaladaad ka dhacay Manchester United Vs PSG

Haatan ayaa la sameeyay isku aadka wareega 16-ka ee Champions League, dhammaan kooxaha tartanka baaqiga ku ah ayaa ogaaday kuwa ay ballamayaan balse qaabka ay wax u dhaceen ayaa u muuqday mid qas badani ku jiro.

Hadal haynta ugu badan ayaa ka dhalatay kooxda ree England ee Manchester United oo laga reebay isku aadyada qaar isla markaana ugu dambayn lagu aadiyay kooxda ree France ee Paris Saint-Germin.

Kooxaha Man United iyo PSG oo ay ka kala tirsan yihiin Cristiano Ronaldo iyo Lionel Messi ayaa isku aadkooda lagu sifeeyay mid laga sii shaqeeyay.

Arrinta ugu weyn ee la isku haysto ayaa ah in Man United laga reebay kooxaha ku aadi kara Atletico Madrid walow uu sharcigu dhigayay waxaana kaliya loo kala dooray Ajax, Bayern Munich, LOSC Lille iyo Juventus.

Haatan kooxaha qaar ayaa xidhiidh la sameeyay UEFA waxaana macquul ah in lagu celiyo isku aadka maadaama qaladkaasi ka dhacay.

Waxa aan wali caddayn haddii dhammaan isku aadku dhici doono markale iyo haddii kooxihii qaladkaas kaddib la isku beegay kaliya la iskugu celin doono.

Wararka Ciyaaraha

Be the first to comment

Leave a Reply

Your email address will not be published.


*