Weeraryahanada Liverpool Mohamed Salah iyo Sadio Mane ayaa ku dagaalami doona xulalkooda isreebreebka Afrika.
Salah iyo Mane oo labaduba hadda ku sugan koobka qaramada Afrika ayaa qayb muhiim ah ka ahaa guulihii ay Liverpool gaartay dhowrkii sano ee la soo dhaafay, waxaana lagu tiriyaa inay yihiin weeraryahanada ugu fiican adduunka.
Si kastaba ha ahaatee, mid ka mid ah ayaa u soo bixidoona Koobka Adduunka dabayaaqada sanadkan ka dib markii Masar iyo Senegal isku aadeen
- Masar Vs Senegal
- Cameroon vs Algeria
- Ghana vs Nigeria
- DR Congo v Morocco
- Mali Vs Tunisia